Damacna waa fal sheydaans, siyaasadda Soomalidana kuma cusba, shabacbkuna waayo arag ayuu ku yahay cawaaqibta ay leedahay xaasidnimada siyaasadeed ee kudhisan aniga, ama cidda aan wato. Marna ma maqlaysid cidda inoo dan ah oo ummaddan meel gaarsiin kara !
Is qab qabsi dib u dhac ayuu leeyahay. Walaalkeey adaa mudan iyo adaa iga sii mudan ayaa meel lagu gaara waxna lagu qabsadaa .Soomaalidana hidde iyo dhaqan ayey u leedahay marka laga tusaale qaadanayo dhaqankeena asaliga ah.
Reer Baydhabo Fursad Maamul Goboleed ka kooban lix gobol shalay ayuu idin soo maray 2004. Mise waad ilowdeen?
Cir inta uu da’aayo ayaa la doogta. MurtiSoomaaliyeed ayaa dhahaysa ”Markii aan wax galay wax ma garan. Maanta oo aan wax gartana wax ma galo”. Hadda caymo ayaad leedihiin , waxa aad dhaantiin walaalahiin Reer Banaadir iyo Shabeelada Dhexe oo ku jira Tiih ( Jahwareer) iyo walaalahiin Reer Hiiraan oo iyagana ku jira riyo iyo mala awaal ( waan socon waaynay ee maan orodno!!!).
XUSUUS:
Shalay 2004tii marka uu isu Caleemo Saaray Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed walaalkood ahnu Xasan Med Nuur Shaati Gaduud waxaa laf dhuun gashay ku noqdeen Xaabsade iyo Sheekh aadan Madoobe oo RRA ku-xegeeno uga ahaayeen. Qash-qashaadii ay ku sameeyeen maamul u samynta Dawlad Goboleedkii Goofur Galbeed ee lixda gobol ka koobnaa waxaa dhexdeeda ka abuurmay masiibo colaadeed taasoo laba garab ka dhigtay Jabhadii ku abtirsanaaysay RRA. Waxaana laga dhaxlay:
*In 10 sano uu dib u dhacay dhismini waayo DawladGoboleedka koofur bari.
*In ay ku naf waayey gacal badan oo isugu jiray Maato, Biri ma geydo kale, iyo maleeshiyaadka xoogga u ahaa Jabhaddii RRA ee isgarabsan jiray.
*In hanti badana ay ku burburto.
*Kala maadasho dad ehel wada ahaa , Collaad walaaleed is naceyb iyo uurxumo raagta.
10 sanao ka dib Maanta 2014 khaladkii shalay ay galeen ayaa isla kooxdii Damaca ku burburisay ee samirka qaadan waayey, danta iyo faaiidada Dawlad Goboleeka dhismayana arki waayey ayaa haddana laga maqlayaa :-
*Maamulkan looma dhama.
*Dawlad Goboleed saddex gobol ka kooban ma fadaano,waxaan rabnaa mid ka kooban lix Gobol!
Waxaa la yiraahda Dhihidda iyo fulinta dhewxdooda badweyn baa taala (Tra il dire e il fare c’è di mezzo il mare) Dawlada Lix Gobol ka kooban ayaan rabnaa !!!!!!!war lix Gobol aad rabtid maxaa ka sokeeya! ma la is weydiiyey mise dhego & indho la’aan ayaa la socdaa ? Macnaheedu waxa ayla mid tahay diyaaradayaan duulinayaa radar la’aan!
1)Saddex ka mid ah lixdagobol ee loo xanqal taagayo ( J/Hoose,J/Dhexe iyo Gedo waxaa isku leexsaday Reer
jubba Land.
2)Dawlad goboleedka JubbaLand waxaa aqoonsaday DawladdaFederaalka Soomaaliya iyo Bulshada Caalamka.
3) Aqoonsiga Bulshada Caalamka ka sokoow Jubba Land waxa dhismaheeda dabada ka riixaya oo u soo cara
jiifay dan kastaa ha ka lahaatee Dawladda Kenya.
3)SaddexdaGobol ee hadda kuu dhismay waxaa janjeer u soo fiirinaya afkana ka hadli karin Reer Ex Banaadir ( Gobolada Banadir iyo Sh/Dhexe) oo ayisku ahaayee Exbanaadir tebeyana una jeda sida fara dhuub dhuubnaanta xeeladaysan ee loola haaday Gobolkii ay isku jeelka ahaayeen ee Sh/hoose iyada oo la garanaynin wax laagu sameeyey oo ay u hadli laa’yiin waxgaradkii ReerExBanaadir, malaha meesha kama marna ayaan u filayaa shirbyadii caraadiska ahaa ee Laashin Abwaab Faarax Seefeey oo aan afkeyga karin.
Walaalaha Reer Bay iyo Bakool Fursad baad haysatiin meesha ay idiin gaartaba ee Nasiib waad yeelateena calafAad hanataan Alle ka tuuga oo ha noqonina ”Tuke”
Reer ExBanaadir iyo Reer Hiiraanoow ha iloobina hal ku dheggan hore loo yiri ” Dabaadi Dihin ma Daaqo” sad soo kordhaayo uma jeedo,inta idin hortaala ayaa Dawlad Goboleedyadii dalka ka harsan iimaan sada oo Alle ka tuuga inuu idin barakeeyo, barako ayaa buux lehe ee qeyrkiin ka daba fula idinka ayaan halkan is dhigay ee waxa aan dhihi lahaa yaan ka daran la sii raadin Aduun dib ayuu dadu deeqaahe!
W/Q: Abdullahi Musse Hussein ( Sweden )
Duqii hore ee magaalada Muqdisho