XASAN SH: Qeyb-maran, qeyb-buuxa – (Dooda ka taagan Faarax Cabdiqaadir)

Qeyb-maran, Qeyb-buuxa (Half-empty, Half-full) Waa hab guud oo uu qofka wax ku cabiro. Macnaha waxa uu yahay marka aad aragto koob ay biyaha ku jiraan taagan yihiin dhexda, ma qeyb ayuu maran yahay, mise qeyb ayuu buuxaa? Jawaabta waa labadaba, waxa ay ku xiran tahay oo kaliya sida ay aragtidaada tahay ama aad wax u cabirto. Waxaad ku macneyn kartaa in koobku qeyb-maran yahay, uuna sii dhammaanayo, ama koobku qeyb-buuxo, oo ay qeyb kale ka harsan tahay si uu usii buuxsamo. Eeg sawirka hoose.

qeyb maran qeyb buuxda

Waxaa tan la macno ah nolosha guud. Dadku qaarna waxaa mar walba u muuqda dhinaca xun (Qeyb-maran oo waa Pessimist), ama dhinaca wanaagsan (Qeyb-buuxa oo waa Optimist). Qof walba marka uu labada dhinac u badanayo dhinac, waxa uu is-tusaa sababo uu niyad-jab u muujiyo, ama sababo uu niyad-wanaag u muujiyo.

Waxaan jeclahay inaan qeyb-maran, qeyb-buuxa ku cabiro xiriirka ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo saaxiibkiisa Faarax Cabdulqaadir. Dooddan waa mid si aad ah ugu weyn Soomaalida waqtigaan. Dad ayaa u arkaya xiriirka labada nin mid dalka dhib ku ah, ama diidan, dadna waxay u arkaan inay siyaasaddu saaxiib ku dhisan tahay, oo aanay wax dhib ah lahayn.

Dhinac kasta oo labadaan qeyb ka mid ah waxa uu daliishadaas sababo dhowr ah oo ay ugu muuqdaan qeyb-maran ama qeyb-buuxa. Waxaan si mala’waal ah u noqonayaa labada dhinacba, aniga oo dhinac kasta sababtiisa soo bandhigaya, kadibna adiga go’aan ka gaar aqriste.

Kooxda Xasan Sheekh Qeyb-maran.

Xasan Sheekh ma ahan madaxweynaha dhabta ah ee Soomaaliya, balse wuu ku magacaaban yahay. Madaxweynaha dhabta ah ee Soomaaliya waa Faarax Cabdul Qaadir, waayo isaga ayaa daaha gadaashiisa ka maamula Xasan Sheekh. Xasan Sheekh xittaa go’aan kaligiis ma qaadan karo, isaga oo aan weydiin Faarax.

Xasan Sheekh waxa uu dalkii oo dhan lugaha uga xiray Faarax Cabdul Qaadir iyo kooxdiisa Damu-Jadiid. Is-beddel yar oo uu ra’iisul wasaaraha ku sammeeyey golaha wasiirada, si gaar ahna u saameeyey Faarax ayaa dowladdii oo dhan khilaaf xooggan geliyey, dalka iyo dowladduna ka dhaqaaqi la’ yihiin. Sidee ayuu Xasan Sheekh ku keenay in xilka Faarax dartiis uu ula dagaalo ra’iisul wasaarihiisa, xittaa haddii laga gardarran yahay, soo ma ahayn inuu danta dalka eego? Midkee mudan in Faarax xil helo iyo in dowladdu ay shaqeyso.

Dhamaman jagooyinkii ugu muhiimsanaa ee dowladda waxaa qaatay Faarax Cabdul Qaadir iyo kooxdiisa Damu-Jadiid, waxaana ay ka qadiyeen dhammaan Soomaalidii kale inteeda badan, Xittaa jagooyinkii 16-ka degmo ee gobolka Banaadir waxaa lagu tixay wiilal da’ yar oo Sudan wax kusoo bartay oo Damu-Jadiid ah.

Dalka Soomaaliya soo ma ahan dal ka bogsanaya raadkii colaadaha, soo intaas la iskuma dileyn xukunka, sidee ayay ku garteen Faarax iyo Xasan inay xilalka ayaga badsadaan, soo kama habbooneyn inay dhinacyo badan qanciyaan, oo ay siyaasadda ka qeyb galiyaan, si aan mar dambe xukunka la isugu dilin?

Xasan Sheekh waxa uu tolkiisa iyo dadkiisa ka doortay Faarax Cabdul Qaadir, waxaana uu iska fogeeyey dhammaan ehelkiisa. Waxaa garabkiisa ah Faarax Cabdul Qaadir iyo xubno kale oo Damul-Jadiid ah. Waxa uu diiday inuu wax talo iyo ra’yi ah ka qaato dadkii kale oo idil. Go’aannadii ka dhanka ahaa beeshiisa ee uu Xasan Sheekh waxaa ka dambeeyey Faarax Cabdul Qaadir, sidaa darted ayuu Xasan ku lumiyey taageerada dadkiisa.

Kooxda Xasan Sheekh Qeyb-buuxa.

Maxaa diidaya, ma ii sheegi kartaa in laba qof ay siyaasadda ku saaxiibaan? Miyaanay siyaasaddu ku dhisneyn is-baheysi iyo saaxiibtinimo iyo hanaan xisbiyeed? Haddii Xasan Sheekh iyo Faarax isku siyaasad iyo xulufo yihiin maxaa ku jaban, soo caalamka oo idil kama jirto sidaas? Bal eeg Vladimir Putin iyo Dmitry Medvedev soo saaxiibtinimadooda ma gaarin heer Medvedev uu madaxweynenimada uga tago Putin, kadib kaliya hal xilli oo uu hayey.

Haddii Xasan Sheekh talooyinka iyo go’aanada uu ka qaato Faarax Cabdul Qaadir maxaa ka macno ah, soo qofku la-taliye ma yeelan karo, ma jiraa madaxweyne kaligiis go’aannada qaata oo aan la-taliye lahayn, mase jiraa madaxweyne dadka ka caqli badan dhammaantood, oo ay maskaxdiisa kaliya ku filan tahay, soo Faarax kama caqli badnaan karo Xasan, sidaa darteedna talooyinkiisa kama wanaagsanaan karaan kuwa Xasan?

Haddii Kooxda Faarax iyo Xasan ay qaadato jagooyinka intooda badan, soo caalamka oo idil kama jirto taas, oo xisbiga ku guuleysta doorashada ma wada qaato jagooyinka? Xasan iyo Faarax soo ma sameysan xisbi markii ay dorashada galayeen, kumana guuleysan. Haddii aan hab xisbi saaxiib lagu noqon, ma hab qabiil ayaa ka wanaagsan?

Faarax Cabdul Qaadir soo caqli iyo maal kuma taageerin Xasan Sheekh markii la dooranayay, markii horena lahaa qorshaha Xasan isku sharxay? Sidee Xasan Sheekh ku aqbali karaa in qofkii sidaas weyn u taageeray uu maanta iska ceyriyo? Madaxweyne aan lahayn qof gacan midig u ah miyaa jira, sidaa darteed Xasan Sheekh muxuu kaga duwan yahay kuwa kale ee caalamka?

Haddii Xasan Sheekh iiyo Faarax iyo kooxda lagu xanto ee Damu-Jadiidba ku saaxiibeen dan iyo siyaasad, soo lama mid ah xisbiyada caalamka. Taas miyaanay ka wanaagsaneyn inay ku saaxiibaaan ama isku baheystaan hab qabiil.

Gebo-gebo

Doodda ku saabsan Xasan Sheekh iyo Faarax Cabdul Qaadir waa hadba dhinaca aad ka eegto iyo sida shaqsiyaddaadu ay tahay. Haddaad u aragto qeyb-maran iyo hadday kuula muuqato qeyb-buuxa, labadaba waa adiga iyo hab cabirkaaga.

W/Q: Axmed Cali Sheekh
Tifaftiraha Caasimada Online
www.facebook.com/alaxmed