Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa faraha kasii baxaaya dhaliilaha loo jeedinaayo maamulka Puntland, gaar ahaan Madaxweynaha maamulka iyo Xubnihii ku wehlinaayay shirarkii kusoo idlaaday magaalada Garoowe ee lagu kala saxiixday Heshiiska.
Wasiirka Caafimaadka maamulka Puntland Saadaq Eenow, ayaa kamid noqday Siyaasiyiinta kasoo horjeestay qaabka ay Puntland Heshiiska ula gashay DFS, kaasi oo looga gudbaayay Khilaafkii ka taagnaa nidaamka 4.5.
Saadaq Eenow, waxa uu sheegay in Heshiiska uu ku dhacay qaab degdeg ah, islamarkaana maamulka uusan xushmeyn Aftidii shacabka Puntland ee ahaa inaan marnaba laga tanaasulin nidaamka doorashada hab deegaan.
Waxa uu sheegay in Heshiiska ay Puntland saxiixday micnaha ay ka dhigan tahay in la taageeray dib usoo noqoshada Madaxweyne Xassan Sheekh, taasina waxa uu ku tilmaamay mid dhaliisheeda ay usoo laabaneyso Puntland.
Saadaq Eenow, waxa uu sheegay in Heshiiska la kala saxiixday uusan soo kordhineynin wax natiijo ah, waxa uuna tilmaamay in dhammaan qodobada lagu heshiiyay aysan sida la rabo u dhaqangaleynin.
”Aniga ma qabo in xiligaani Puntland ay wanaag ugu jirto 4.5, waayo waxa ay taasi ka dhigan tahay halaga shaqeeyo dib usoo laabashada Xassan Sheekh”.
Haddalka Saadaq Eenow, ayaa kusoo beegmaaya xili Siyaasiyiin farabadan oo kasoo jeeda deegaanada Puntland ay kasoo horjeesteen Heshiiska lagu kala saxiixday magaalada Garoowe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

