Eey laba xidigle ah oo maanta wacdaro ka dhigay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in mid kamid ah Eeyaha baaritaanada ku sameeya qaadka kasoo dega garoonka uu wacdaro ka dhigay Garoonka.

Eeyga oo la sheegay inuu ahaa Laba xidigle ayaa waxa uu sabab u noqday inuu hakat galo xiligii garoonka laga soo saari jiray Jaadka kadib markii uu hurday xili aan munaasab aheyn.

Jorin oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Ugandha ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde ayaa ka biya diiday in Eeyga uu kasoo kiciyo hurdada kadib markii uu sheegay inay ku adagtahay islamarkaana uusan amar u qabin inuu toosiyo Eeyga oo jiifa.

Waxa uu sheegay inaan munaasab aheyn in la toosiyo Eeyga isaga oo hurdaayo, kadib markii uu sabab uga dhigay hadii la toosiyo inuusan awoodi Karin inuu sheego daroogada qaadka.

Eeyga ayaa suuragaliyay in muddo Seddex saac ah uu dib u dhigo xiligii uu magaalada soo gali lahaa qaadka, isaga oo hurdo galay xiligii uu qaadka soo dagaayay.

Sidoo kale, Eeygaasi ayaa u tababaran barista muqaadaraadka, waxa ayna Saraakiishu sheegen in dhanka Wasaarada Gaashandhiga Ugandha uga diiwan gishan yahay Laba xidigle.

Arrintaasi ayaa waxa ay la yaab ku noqotay Ganacsatada qaadka usoo dageysay kadib markii ay aamini waayen in dhowr saac uu ganacsigooda hakat u galo Eey hurdaayo awgiis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com