“AXMED MADOOBE waxaan kasoo dajin doonaa Garoonka AADAN CADDE” Sidaas waxaa yiri …

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cai Sharmaarke ayaa ka shanqariyay in DF Somalia ay magaalada Muqdisho ku marti galineyso Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa sheegay in DF Somalia ay xooga saari doonto sidii looga talaabi lahaa Khilaaf Siyaasadeedka kala dhexeeya Maamulka Jubbaland, waxa uuna cadeeyay in tiro mas’uuliyiin oo uu hogaamin doono Axmed Madoobe soo gaari doonaan Magaalada Muqdisho.

“Sida aad la socotaan waxaa jiray xoogaa yar oo buuq ah oo dhalisay Arrimihii Barlamaanka ee mooshinkii iyo sida ay u arkeen maamulka jubba, waxaan Arrimahaas kala soo hadalnay madaxda, sida kalsoonida dib loogu soo celin lahaa, waxaan ku casuunnay inay halkaan ay yimaadan si arrimahaas xal waara looga gaaro ”

Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu wadaa in socdaalkiisa ay ku wehlin doonaan ku-xigeenadiisa iyo Gudoomiyaha BJ oo isagu kalsooni darro kala kulmay Baarlamaanka Somalia.

DF Somalia ayaa ku dhiiraneyso inay xal ka gaarto khilaafka iyo cabashada ay tabanayaan Maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com