Rabat (Caasimada Online) – Lix muwaadin oo u dhashay dalka Marooko ayaa weli ku xiran gudaha Soomaaliya, in ka badan laba sano kadib markii la xiray, iyo bilo kadib markii lagu waayay eedeymo la xiriira argagixisanimo. Eheladooda iyo u-doodayaasha xuquuqda aadanaha ayaa hadda ugu baaqaya mas’uuliyiinta Marooko inay xaqiijiyaan sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa.
Kiiskan ayaa diiradda lagu saaray Isniintii shir jaraa’id oo ay qabatay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Marooko (AMDH), taas oo walaac xooggan ka muujisay xaaladda sharci iyo tan bani’aadanimo ee ragan. Sida ay sheegtay hay’addu, maxaabiistan ayaa dhowaan bilaabay cunto-ka-soomid (hunger strike), taas oo sii kordhinaysa cabsida laga qabo caafimaadkooda iyo badbaadadooda.
“Xaaladdooda sharci waa mid cad. Cidna dhib lama laha, waana mas’uuliyadda saaran dowladda Marooko inay dalkooda dib ugu soo celiso,” ayay tiri Khadiija Riyaadi oo u hadashay hay’adda xuquuqda aadanaha.
Lixdan nin ayaa horraantii sanadkii 2024-kii lagu xiray buuraha Cal-Miskaat ee dowlad-goboleedka Puntland ee waqooyi-bari Soomaaliya, kadib markii halkaas lagu geeyay shaqooyin been abuur ah. Mas’uuliyiinta ayaa markii hore uga shakiyay inay isku dayayeen inay ku biiraan kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala deegaankaas.
Bishii Maarso ee sanadkii 2024, maxkamad milateri oo ku taalla magaalada Boosaaso ayaa ragan ku xukuntay dil toogasho ah. Xukunnadaas ayaa markii dambe la laalay, ragaasna maxkamadda ayaa bari yeeshay. Maxkamadda ayaa intaas kadib bixisay amar ah in dalka looga musafuriyo muddo 18 bilood gudahood ah, balse muddadaas ayaa dhammaatay iyadoo aan wax dib-u-celin ah la sameyn.
U-doodayaasha xuquuqda ayaa sheegaya in dhammaan habraacyadii lagama maarmaanka u ahaa soo-celintooda durba la dhammaystiray. Saraakiil ka tirsan Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa la soo weriyay inay xiriir la sameeyeen maxaabiista, ayna fududeeyeen tallaabooyinka maamul ee loo baahnaa.
“Mas’uuliyiinta Marooko ayaa hadda looga fadhiyaa inay bixiyaan waraaqaha safarka iyo oggolaanshaha si dalkooda loogu celiyo,” ayuu yiri Cabdullaahi Binu Cabdisalaam, isagoo raaciyay in aysan jirin wax carqalad sharci ah oo ka hortaagan soo-celintooda.
Hay’adda AMDH ayaa sheegtay inay la xiriirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marooko iyo Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha si ay ugala hadasho kiiskan, balse aysan wax jawaab ah ka helin wasaaradda. Guddiga ayaa dhankiisa xaqiijiyay inuu walaaca hay’adda u gudbiyay dowladda.
Qoysaska maxaabiista ayaa ku adkeysanaya in ragan aysan horay xiriir ula lahayn kooxaha xagjirka ah, ayna si madax-bannaan dalka dibaddiisa ugu safreen iyagoo shaqo raadinaya.
Mid ka mid ah aabbayaasha ayaa sheegay in maxaabiistu aysan is-aqoonin kahor inta aan la xirin, halka ehel kale ay walaalkeed ku sifeysay inuu ahaa xirfadle farsamoyaqaan ah oo aan lahayn taariikh hawlo siyaasadeed ama mid maleeshiyo.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa horay dib-u-dhacan ugu aaneeyay wada-shaqeyn la’aan ka timid dhanka Marooko. Sida uu sheegay qareen Soomaali ah oo matalaya mid ka mid ah maxaabiista, dowladda Marooko ma aysan soo gudbin codsi rasmi ah oo ku aaddan in dadkeeda loo soo celiyo.
Iyadoo geeddi-socodkii sharciga ahaa uu soo dhammaaday, xukun bari yeel ahna uu jiro, hay’adaha xuquuqda ayaa aaminsan in mas’uuliyaddu ay hadda si buuxda u saaran tahay xukuumadda Rabat si ay u fududeyso soo-celinta muwaadiniinteeda.

