Hargeysa (Caasimada Online) – Ehellada laba marxuum oo 20-kii bishii hore lagu dilay bartamaha suuqa weyn ee magaalada Hargeysa ayaa ka dalbaday xukuumadda Somaliland iyo laamaha ammaanka inay dedejiyaan baaritaanka kiiska dilkii toogashada ahaa ee loo geystay wiilashooda.
Sidoo kale, ehellada oo la hadlay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in meydadka labada marxuum aan weli la aasin, isla markaana ay muddo 13 maalmood ah qaboojiye ku jiraan.
Dilkoodii kaddib, ehelladu waxay sheegeen in ciidanka booliska Somaliland ay bilaabeen baaritaanka ciddii dishay, balse weli aysan helin natiijo ay ku qancaan, inkastoo loo sheegay in wax un raad ah la hayo.
Ehellada ayaa sheegay inay hay’adaha ammaanka uga fadhiyaan in loo caddeeyo cidda dilka geysatay, isla markaana aan la aasi doonin meydadka ilaa la keeno qofkii ama kooxdii dilka gaysatay.
Booliska Somaliland ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka, halka Cabdikariim Ibraahim Maxamed oo ka mid ah ehellada ragga la dilay uu sheegay in labada qoys ay u midoobeen sidii caddaalad loogu heli lahaa dilka wiilashooda.
“Habeenkii dilku dhacay, maalintii xigtay waxaan la kulannay laamaha ammaanka. Waxay noo sheegeen inay hayaan raadadka ciddii dilka geysatay 85%. Waxaa intaas kaddib dhacay shirar iyo kulamo aan kiiskan kala yeelannay wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha booliska iyo mas’uuliyiin kale. Intaas oo dhan wax aan ku qanacno waa noo sheegi waayeen,” ayuu yiri Cabdikariim Ibraahim Maxamed oo ka mid ah ehellada ragga la dilay.
Wuxuu intaas ku sii daray in ehellada ragga la dilay ay isla garteen inay qaataan go’aanno adag haddii xukuumadda Somaliland ay la iman weyso natiijo cad oo lagu sheego cidda dilka gaysatay.
Sidoo kale, Cabdikariim ayaa sheegay in boolisku ay si cad u sheegeen in dilka dhacay uu ahaa mid qorsheysan. “Waxaan ka sugeynaa cidda ay sheegeen inay dilkaas qorsheysay,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaa noo muuqata in dowladdu ay kiiskan duugeyso. Labada qoys ee wiilashu ka dhinteen waxay go’aansadeen in meydadka aan la aasin ilaa dowladda ay war cad ka soo saarto.”
Ugu dambeyntii, Cabdikariim wuxuu sheegay inay sugayaan xogta wasiirka arrimaha gudaha iyo booliska Somaliland ay hayaan ee ah 85%, isla markaana ay doonayaan in lala wadaago 15-ka boqolkiiba ee ka dhiman. Wuxuu ballanqaaday, haddii ay ku qancaan jawaabta dowladda, inay aasi doonaan meydadka labada marxuum.