Lonodn (Caasimada Online) – Magacyada ugu caansan ee carruurta ku dhashay England iyo Wales sannadka 2024 ayaa si rasmi ah loo shaaciyey, iyadoo Athena iyo Yahya ay markii ugu horreysay kasoo muuqdeen 100-ka magac ee ugu sarreeya.
Maxamed ayaa weli haysta kaalinta koowaad ee magacyada wiilasha – sanadkii labaad oo xiriir ah – halka Nuux iyo Oliver ay kala galeen kaalmaha labaad iyo saddexaad, sida ay muujinayso xogta rasmiga ah ee sannadka 2023.
Dhinaca gabdhaha, Olivia iyo Amelia ayaa sanadkii saddexaad oo xiriir ah sii hayay labada boos ee ugu sarreeya, halka Isla ay kusoo baxday kaalinta saddexaad, beddeshayna Lily oo booskaasi hore u haysay.
Liiskan waxaa diyaariyay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee UK (ONS), kaas oo xogta ka soo ururiyey diiwaannada dhalashada ee dalka.
Magacyada cusub ee gabdhaha ee sanadkan liiska kusoo biiray waxaa ka mid ah: Eloise, Nora, Myla, Rosa, Athena, Sara iyo Zoe. Dhinaca wiilasha, magacyada cusub waxaa kamid ah: Austin, Nathan, Vinnie iyo Yahya.
Maxamed iyo Olivia oo weli hormuud ah
Maxamed ayaa mar kale noqday magaca wiilasha ugu caansan, iyadoo 5,721 carruur ah loogu bixiyey sannadkii lasoo dhaafay. Magacani wuxuu kaalinta koowaad ka galay shan kamid ah sagaalka gobol ee England, halka uu gobolka Wales ka galay kaalinta 57-aad.
Noocyada kale ee magaca Maxamed ayaa sidoo kale liiska ka muuqday – magaca Maxamed (higaad kale) ayaa galay kaalinta 21-aad, iyadoo 1,760 carruur ah loo bixiyay. Mohammad isna wuxuu galay kaalinta 53-aad, isagoo helay 986 carruur ah.
Dhinaca gabdhaha, Olivia ayaa kaalinta koowaad ka gashay toddobo kamid ah gobollada England iyo Wales, iyadoo 2,761 gabdhood loogu bixiyay magacaas.
SJ Strum, oo ah khabiir ku takhasustay magac-bixinta dhallaanka, ayaa sheegtay inaysan la yaabin guusha Olivia, balse ay “wax yar niyad-jab” ka dareemayso in magacu weli yahay kan ugu sarreeya.
“Waa magac qof walba jecel yahay — 90-meeyadii waxay ahayd Louise, 80-meeyadiina Sarah,” ayay tiri. “Olivia waa magac caan ah, laakiin tiradii la isticmaalo way hoos u dhacaysaa. Waalidiintu hadda waxay raadinayaan magacyo aan caadi ahayn.”
‘Waalidku waxay doonayaan magacyo naadir ah’
Strum waxay intaas ku dartay in inkasta oo magacyada dhaqameed ay mar walba kasoo muuqdaan liiska sare, hadana kuwa cusub ee hoose waxaa saameeya waxyaabaha markaas caan ka ah bulshada dhexdeeda.
Tusaale ahaan, Margot ayaa sare u kacday kadib guusha atariishada Hollywood-ka Margot Robbie, halka Otis uu caan noqday kaddib bandhigga taxanaha Netflix ee Sex Education.
“Waalidiintu waxay dhiirrigelin ka helayaan waxyaabaha ku xeeran, waxayna dooranayaan magacyo ay iyagu la qabsadaan,” ayay tiri.
Laakiin marka laga hadlayo wiilasha, waxay sheegtay in waalidiinta British-ka u muuqdaan kuwa doorbidaya magacyo dhaqameed, si ay ubadkoodu u yeeshaan magac la jaanqaadi kara xirfadaha iyo mustaqbalkooda shaqo.
“Magacyo hore oo qarniyo ka hor la isticmaali jiray ayaa mar kale caan noqday — Arthur wuxuu hadda kamid yahay 10-ka magac ee ugu sarreeya, taasoo aan suuragal ahayn 15 sano kahor,” ayay raacisay.
Tani waxay la xiriirtaa waxa loo yaqaan “sharciga 100-ka sano”, sida uu sheegay Clare Green, oo ah khabiir kale oo ka tirsan madal magac-bixinta ee Nameberry.
“Magacyada awooweyaasha lama isticmaalo xilliga ay nool yihiin, balse jiilalka dambe ayaa mar kale adeegsada,” ayay tiri Green. “Taasi waxay keeni kartaa in magacyo sida Susan ama Roger dib usoo laabtaan marka jiilalka cusub ay gaaraan da’da waalidnimo.”
Magacyada dabiiciga ah oo weli sarreeya
Magacyo ay ka buuxdo dabeecaddu ayaa weli kamid ah kuwa ugu caansan — Lily, Poppy iyo Ivy ayaa dhammaan kamid ah 10-ka gabdhood ee ugu magac caansan.
“Magacyada dabeecadda la xiriira waa kuwa had iyo jeer ku jira liiska – waa kuwo joogto ah,” ayay tiri Clare Green.
Haddaba, ma jiraan magacyo yaab leh oo sanadkan liiska kusoo baxay?
“Mararka qaar, waa magacyo dadku u arkaan kuwo taariikh ah — sida Jessica – laakiin weli waxay hayaan kaalmo sare,” ayay tiri.
Sannadkan 2024, magacyada wiilasha loo bixiyay wax ka yar shan jeer waxaa kamid ah Awesome, Cuthbert, Crispin iyo Beckham, halka magacyada gabdhaha ee ay tiro yar heleen ay yihiin Sicily, Everest, Orchid iyo Gabay.

