Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland, ahna falanqeeye siyaasadeed, Cali Xaaji Warsame, ayaa su’aal geliyey awoodda Turkiga uu si ganacsi ah ugu soo saari karo shidaalka ku jira badda Soomaaliya, isaga oo sheegay in howlaha hadda socda ay yihiin qodis sahamineed iyo tijaabooyin hordhac ah.
Cali Xaaji Warsame oo dhowaan bixiyey wareysi ayaa sheegay in markabka Turkiga ee ka howlgalaya xeebaha Soomaaliya uusan weli bilaabin soo saarista shidaal ganacsi, balse uu qodayo ceel tijaabo ah oo lagu xaqiijinayo in goobta la baarayo ay leedahay kayd shidaal ama gaas oo dhaqaale ahaan loo soo saari karo.
Waxa uu ku dooday in baaritaanka hadda socda iyo soo saarista shidaalka ganacsi ay yihiin laba marxaladood oo aad u kala fog, isla markaana aysan sax ahayn in bulshada loo muujiyo in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay shidaal dhoofiso.
“Bulshada waxaa loo sawirayaa in wax-soo-saarka shidaalku uu dhow yahay, halka geeddi-socodku uu weli sanado badan qaadan karo,” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.
Sida uu sheegay, Turkiga weli ma laha awoodda farsamo iyo dhaqaale ee uu keligiis ugu horumarin karo ceelasha badda ee lagu wareejiyey heshiiska shidaalka ee uu la galay dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxa uu intaas ku daray in Ankara ay ugu dambeyn u baahan doonto shirkado waaweyn oo caalami ah oo ku takhasusay shidaalka badda, kuwaas oo awood u leh inay maalgeliyaan qodista ceelasha, dhismaha kaabayaasha iyo soo saarista shidaalka.
Cali Xaaji Warsame ayaa sidoo kale saadaaliyey in Soomaaliya aysan arki doonin shidaal badeed oo si ganacsi ah loo soo saaro ka hor sanadka 2034, xitaa haddii qodista hadda socota lagu ogaado kayd shidaal oo wanaagsan.
Waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in la xaqiijiyo jiritaanka shidaalka, la qiimeeyo baaxadda kaydka, la helo maalgelin caalami ah, lana dhiso kaabayaal qaali ah oo suuragelinaya soo saarista iyo dhoofinta shidaalka.
Ballan-qaadka Erdogan
Hadallada Cali Xaaji Warsame ayaa ka duwan rajada ay muujiyeen madaxda Turkiga iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa bishii May sheegay in Ankara ay rajeyneyso inay lix ilaa sagaal bilood gudahood ku soo gabagabeyso qodista ceelka shidaalka ee laga fulinayo biyaha Soomaaliya, haddii xaaladaha cimilada iyo badda ay saamaxaan.
Erdogan ayaa howlgalka ku tilmaamay mid leh “muhiimad taariikhi ah”, maadaama uu yahay qodistii ugu horreysay ee shidaal-badeed oo Turkigu ka fuliyo meel ka baxsan dalkiisa.
“Waxaan rajeyneynaa inaan shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, oo muddo dheer la daalaa-dhacayay xasillooni-darro iyo macluul, gaarsiino bishaarada ay sugayeen,” ayuu yiri Erdogan.
Markabka qodista ee Çağrı Bey ayaa ceelka Curad-1 ka qodaya meel qiyaastii 372 kiiloomitir u jirta Muqdisho. Qorshaha ayaa ah in markabku gaaro qoto dhan 7,500 mitir, iyadoo howlgalka qodista loo qorsheeyay inuu socdo 288 maalmood.
Natiijada qodista ayaa lagu ogaan doonaa in goobta ay ku jirto shidaal ama gaas, inta uu le’eg yahay kaydkaas iyo in soo saaristiisu dhaqaale ahaan faa’iido leedahay.
DF oo rajo muujisay
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qodista ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo dalka u horseedi karta inuu markii ugu horreysay ka faa’iideysto kheyraadka shidaalka iyo gaaska.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in markabka Turkiga uusan biyaha Soomaaliya u imaan howlgal astaan uun ah, balse uu fulinayo qodis dhab ah.
“Markabka qodista marka uu yimaado biyaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya, uma imaanayo arrin astaan ah. Kalluumeysi uma imaanayo. Wuxuu u imaanayaa inuu qodo,” ayuu yiri wasiirku.
Waxa uu sidoo kale sheegay in howlaha shidaalka loo fulinayo si daah-furan, isla markaana loogu talagalay inay faa’iido u yeeshaan shacabka Soomaaliyeed.
“Maalmo wanaagsan ayaa soo socda. Ma jiraan wax la qarinayo. Hannaankan si daah-furan ayaa loo fulinayaa, waxaana loo fulinayaa danta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Daahir Shire.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ku doodaya in iskaashiga Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayo inay hesho farsamada, maalgelinta iyo waayo-aragnimada looga baahan yahay horumarinta kheyraadka dabiiciga ah.
Hase yeeshee, qodista ceel sahamineed oo lagu ogaado shidaal kama dhigna in wax-soo-saarka ganacsigu isla markiiba bilaabanayo. Haddii shidaal la helo, waxaa xigi kara qiimeynno farsamo, daraasado dhaqaale, qorshe horumarineed, maalgelin iyo dhismaha kaabayaasha wax-soo-saarka.
Dhaliisha heshiiska
Wasiirkii hore ee Puntland ayaa sidoo kale dhaliilay qodobbada heshiiska shidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo ku eedeeyey inaan heshiiska si buuxda loogu bandhigin shacabka iyo hay’adaha qaranka.
Waxa uu ku andacooday in Turkiga loo oggolaaday inuu helo saami gaaraya boqolkiiba 90 dakhliga ama wax-soo-saarka shidaalka, isaga oo heshiiska ku tilmaamay mid aan daah-furneyn oo aan dan weyn ugu jirin Soomaaliya.
Hase yeeshee, sheegashadaas iyo qaabka uu boqolkiiba 90-ku u shaqeynayo weli waxaa ka jira dood. Dowladda ayaa ku doodda in lacagaha ama shidaalka ay qaadan karto shirkadda Turkiga ay la xiriiraan dib-u-soo-celinta kharashaadka sahaminta, qodista iyo horumarinta ceelasha, ee aysan ahayn boqolkiiba 90 faa’iidada saafiga ah.
Faahfaahin dhammeystiran oo ay labada dowladood si fudud ugu sharxayaan kharashaadka, dakhliga iyo saamiga uu dhinac kasta heli doono ayaan weli si ballaaran loogu soo bandhigin bulshada.
Cali Xaaji Warsame ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiinta dowladda inay bulshada geliyeen rajooyin ka horreeya xaqiiqada farsamo iyo tan maaliyadeed ee warshadaha shidaalka.
Dhaliishiisa waxaa la qaba aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe su’aalo ka keenayay hufnaanta, sharcinimada iyo danaha ku jira iskaashiga shidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Eedeymahaas si madax-bannaan looma xaqiijin, waxaana dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay iskaashigooda ku tilmaamaan mid ku dhisan danaha labada dal.
Iskaashi ballaaranaya
Turkiga ayaa sanadihii dambe si weyn u ballaariyey joogitaankiisa Soomaaliya, isaga oo ka shaqeeya dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, kaabayaasha, gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta tamarta.
Heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood ayaa dhigaya iskaashi ku saabsan sahaminta, qiimeynta, horumarinta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ku jira qaar kamid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si joogto ah u difaacday iskaashiga, iyadoo sheegtay in howlaha loo fulinayo si waafaqsan sharciga dalka, isla markaana natiijadoodu mustaqbalka faa’iido u yeelan doonto shacabka Soomaaliyeed.
Turkiga ayaa isna heshiiska ku tilmaamay qeyb kamid ah iskaashi istaraatiiji ah oo ka ballaaran shidaalka, kaas oo lagu taageerayo amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

