Eng. Yariisow maka qeyb geli doonaa Shirka ay Muqdisho ku yeelanayaan dowladda iyo Maamul Goboleedyada?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku guuleystay inuu Gobolka Banaadir kasoo dhex muuqdo kulamada ay yeelanayaan madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa hore loo xasuustaa inay dhawr jeer ka hor imaadeen arrintaas  qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, balse waxaa si awood ah u jiiray Guddoomiyihii hore ee Thaabit oo la ogaa inuu awood ku dhex lahaa dowladda dhexe.

Waxaa durba bilaabatay su’aalo la iska waydiinayo haddii uu Yariisow sii adkeyn doono guushii uu Gobolka Banaadir usoo hooyey guddoomiyihii hore iyo haddii laga dhex weyn doono shirka dhawaan ay Muqdisho ku yeelanayaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa sida Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu ku sugnaa Muqdisho.

Dad badan ayaa isla dhex maraya shirkan iyo waxa uu kaga duwanaan karo shirarkii hore, waxaana is weydiinta ugu badan ay tahay wajiga cusub ee shirkan lagu arki doono oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la xusuustaa in shirkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho inay is hor-taageen inuu ka qeyb galo Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir oo aan matalaad siyaasadeed ku laheyn Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa tan iyo sanadkii hore ka soo muuqatay shirarkii qaran ee looga hadlayay aayaha siyaasadeed, hase ahaatee taas ma aanay suura gelin in lagu helo mataaladeedii siyaasadeed iyo maqaamkii Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa horay uga qeyb galay shirarkii Golaha Amniga Qaranka ee madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana shirarkaas uu dhinac fadhiyay Madaxdii dowlad goboleedyada.

Dad badan ayaa isha ku hayo sida uu Yariisow ku wajihi doono shirkii ugu horeeyey ee dhexmari doono madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxayna u badan tahay inuu kasoo dhex muuqan doono maadaama uu si weyn ugu dhow yahay madaxda ugu sareyso dowladda dhexe inkastoo uu wajihi doono cadaadis badan oo kaga imaan doono Madaxda Maamul Goboleedyada oo gebi ahaanba diidan in maqaam la siiyo Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com