Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Somalia iyo Turkiga oo kulan gaar ag kuwada qaatay Hotel Conrad oo ku yaalla meel aan sidaa uga sii fogeyn Madaxtooyada Turkiga, ayaa waxa ay halkaasi labada mas’uul uga wada hadleen arrimo gaar u ah labada dal.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dhigiisa Somalia ku wargaliyay in gabagabada shirka kadib uu u kulmin doono madaxda ugu miisaanka culus iyo kuwa hantiilayaasha ee shirka qeybta ka ah si ay uwada qaatan kulan ka duwan kan guud.
Recep Tayyip Erdogan, ayaa lasoo warinayaa in sidoo kale, uu isla kulanka Xassan Sheekh ugu ballanqaaday in magaalada Istanbuul uu ka bixi doono isaga oo ku faraxsan natiijo uusan horay kala tagin turkiga.
Erdogaan oo kalsooni gaar ah u muujinaayay Xassan Sheekh ayaa yiri ”Turkiga wey ka go’an tahay inay dusha saarato meel-marinta Somalia, waxaan Somalia gaarsiineynaa heer caalamku uu usoo dal-xiis tago”
Recep Tayyip Erdogan, ayaa Xassan Sheekh sidoo kale u ballanqaaday in sanadkaani cusub ay Somalia kusoo biirin doonaan laba jibaar intii ay horay ugu soo biiriyeen, waxa uuna ka dalbaday inuusan kasii murgin meel marinta Somalia.
Kulankaani ka dhacay Hotel Conrad oo noqonaaya kii labaad oo ay labada mas’uul isku arkaan, ayaa waxaa mooda in kani uu ka duwan yahay kii hore, waxa uuna kulankaani watay ballamo dhowr ah, oo aan wali la shaacin.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa uga mahad celiyey madaxweynaha Turkiga gacantii ay ka geysteen dib u dhiska dalka, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu Erdogaan si gaar ah u kulmin doono madaxda ugu miisaanka culus shirka iyo Madaxweynaha Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]