Erdogan oo loo xukmay in lasiiyo lacag magdhaw ah + Cadadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan uu shaaca ka qaaday inuu ka laabtay Dacwadii uu ka gudbiyay qaar kamid ah Hogaamiyayaasha Axsaabta dalkaasi ee Aflagaadeysay ayaa waxaa arrintaasi mar kale go’aan ka gaaray Maxkamad kutaala magaalada Ankara.

Go’aan kasoo baxay Maxkamad Ankara, ayaa waxaa lagu go’aamiyay in hogaamiyaha mucaaradka Turkiga Kemal Kilicdaroglu lagu riday xukun noociisu yahay bixi magdhaw.

Maxkamada waxa ay sheegtay in Hogaamiye Kemal Kilicdaroglu uu si cad ugu gafay Madaxweynaha isaga oo xaaladiisu aheyd mid wanaagsan waxa ayna ku xukuntay inuu bixiyo lacag dhan $17200 oo magdhaw ah.

Maxkamadu waxa ay sheegtay in Kemal Kilicdaroglu uu meel uga dhacay sharciga islamarkaana si bareer ah ku aflagaadeeyay Madaweyne Erdogan.

Hogaamiyaha Mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayey Maxkamadu sheegtay in madaxweynaha uu ku tilmaamay shaqsi diktaatoor ah islamarkaana ku fashilmay tallada dalka.

Sidoo kale, Dastuurka lagu xakumo dalka Turkiga ayaa maanacaaya in lagu xadgudbo misna meel looga dhaco sharafka Madaxweynaha Turkiga, iyadoo qofkii madaxweynaha aflagaadeyo uu mutaysanayo bixinta lacago magdhaw ah.

Madaxweyne Ergogaan ayaa saacadihii uu socday Afganbigii fashilmay la kulmay cawaaqibo kala duwan oo sahashay in meel looga dhaco xitaa dadnimadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com