Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Inkasta oo aan la faah-faahin kulanka labada masuul oo ahaa shir albaabadu u xiran yihiin, ayaa waxaa qaabiladda lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Madaxweynaha Turkiga, iyadoo lagu yiri “Madaxweyne Erdoğan ayaa qaabilay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya”.
Wasiir Jaamac oo isna qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa Madaxweyne Erdogan uga mahad-celiyay “qaabiladda iyo soo dhaweyntiisa wanaagsan.”
Jaamac ayaa la sheegaa in uu xiriirka Turkiga uga saameyn badan yahay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Sanadihii uu joogay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo bilo kahor laga soo bedelay ayuu Wasiir Jaamac aad ula shaqeyn jiray Turkiga, waxaana la gaarsiiya inuu yahay “masuulka ay Turkidu ugu aaminaada badan yihiin”.
Tan ayaa Soomaali badan su’aallo ka keeneen, iyadoo kulankii maanta ay ka dhalatay fal-celin xooggan. Dadka qaar ayaa muujiyay shaki la xiriira sababta dhabta ah ee ka dambeyn karta kalsoonida intaas le’eg ee Turkiga ku qabo ninkaan.
Bishaar Ibraahim Sheekh Maxamuud oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qaabilada Madaxweyne Erdogan ee Wasiir Jaamac ayaa waxa uu yiri: “Xiriirka idinka dhaxeeya muxuu yahay?”.
“Maxaa ka wada hadasheen, bulshada Soomaaliyeed u sheeg Ajendah u tagtay meesha,” ayuu yiri Yaasir.
Nuuradiin Duqow: “Maxaa adiga iyo Erdoğan idin kulmin karo? Safiir waraaqo laga gudoomayo ma tihid, madaxweyne ma tihid, raysalwasaare ma tihid, wakiil madaxwayne ma tahay? Ninkaan iyo turkida waxa ka dhaxeeyo wax yar ma ahan!”.
Maxamed Sakariye ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Warbixin dhamaystiran oo lix bilood ah miyaad gaysay!. Yaab anagaa aragnay, bal wasiirkan dekadaha ee iska wareegaya asagoo kaligiis ah”.
“In si shaqsi ah laguu soo dhaweeyey marka meel la iska dhigo, ma aadan sheegin wixii dalka aad ka timid u qabatay ama faa’iido ah oo aad u keentay,” ayuu yiri Ardaa Aw Cali.
Salaad Cabdi Axmed ayaa isna waxa uu yiri: “Anigu waan kaa shakisanahay sababtoo ah ma tihid wasiir dibadeed.”
Si kastaba, Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa weli wax laga weydiiyaa danaha ku geedaaman xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana la sheega in aad uu isaga ilaaliyo in masuul kale uu xiriir iyo galaangal ku dhex yeesho Turkida.