29.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Erdogan oo si cajiib ah u joojiyey in Netanyahu uu ka qeyb-galo shirkii Masar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Sharm el-Sheikh (Caasimada Online) – Qorshe daqiiqaddii ugu dambaysay uu Donald Trump ku doonayay inuu Benjamin Netanyahu ku casuumo shir madaxeedkii caalamiga ee arrimaha Gaza looga hadlayay oo ka dhacayay dalka Masar ayaa meesha ka baxay, kadib hanjabaad ka timid madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Erdogan ayaa u sheegay Trump in uusan diyaaraddiisa ku dejin doonin Sharm el-Sheikh haddii casuumaaddaasi ay sii jirto.

Xiisaddan awoodeed ee hawada sare ka dhalatay ayaa bilaabatay kadib markii lagu dhawaaqay in ra’iisul wasaaraha Israel uu aqbalay casuumaad daahsan oo uu ka helay Trump si uu uga qaybgalo shirka ay si wada jir ah Masar ugu shir guddoominayeen madaxweynaha Mareykanka iyo dhiggiisa dalkaas, Abdel Fatah al-Sisi.

Ka qaybgalka Netanyahu ee shirka Sharm el-Sheikh ayaa waxaa sida muuqata meel mariyay Trump, wicitaan taleefon oo uu subaxnimadii Isniinta kula yeeshay Sisi isagoo jooga Israel.

Ma cadda in diidmada Erdoğan ee ahayd in uusan soo caga dhigan doonin shirka ay sabab u ahayd in Netanyahu uu beddelo qorshihiisa, balse waxaa la ogyahay in uu la hadlay Sisi si uu cabashadiisa ugu gudbiyo isagoo saaran diyaaraddiisa oo dul maraysa hawada Masar.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel ayaa lagu yiri: “Ra’iisul Wasaare Netanyahu waxaa inuu ka qaybgalo shir maanta ka dhacaya Masar ku casuumay Madaxweynaha Mareykanka Trump. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu uga mahadceliyay Madaxweyne Trump casuumaaddiisa balse wuxuu sheegay in uusan ka soo qaybgeli karin, maadaama ay munaasabaddu ku soo beegantay xilli ay dhowdahay bilowga fasaxa ciidda.”

Shakhsiyaad ka tirsan garabka midigta-fog ee xukuumadda isbahaysiga Netanyahu ayaa sidoo kale ku hanjabay inay iska casili doonaan haddii uu shirkaas tago.

Waxaa Netanyahu waaran soo xirid ah u jartay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (International Criminal Court) oo ku eedaysay dambiyo dagaal oo uu ka galay Gaza.

Inkasta oo Masar aysan saxiixe ka ahayn maxkamadda, haddana joogitaanka Netanyahu ee shirka wuxuu noqon lahaa mid muran badan dhaliya, gaar ahaan dhanka dalalka Carabta ee aan xiriirka la caadiyeyn Israel. In ka badan 20 hoggaamiye oo caalami ah ayaa ka qeyb-galay shirka.

Muranka ka dhashay joogitaanka Netanyahu wuxuu muujinayaa sida ay ugu adkaan doonto dalalka Muslimiinta qaarkood inay xiriirka la caadiyeeyaan Israel sida uu Trump doonayo.

Sawirrada Erdoğan oo la xaajoonaya Netanyahu ama gacan qaadaya hoggaamiyaha Israel waxay masiibo siyaasadeed ku noqon lahaayeen hoggaamiyaha Turkiga dalkiisa gudihiisa, waxayna sidoo kale dhalin lahaayeen su’aalo laga keeno doorka la qorsheeyay ee Ankara ee ciidammada caalamiga ah ee xasilinta ee la filayo inay amniga Gaza daryeelaan.

Erdoğan ayaa si isdaba joog ah ugu tilmaamay tallaabooyinka Israel ee Gaza inay yihiin xasuuq.

- Advertisement -

Read more

Local News