Erdogan oo si xeeladeysan ugu guuleysanaya loolanka Maxamed iyo Bin Salman

Khudbaddii uu talaadadii jeediyey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee uu kaga hadlayey dilkii saxafiga reer Sucuudi Careebiya Jamal Khashoggo ma jirin meel uga soo daray dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bi Salman.

Maxamed waxaa si weyn loo aaminsan yahay in uu yahay hoggaamiyaha talada ka go’do ee Sucuudiga walow uusan si rasmi ah u magacowneyn, taas oo ay jirto, tan iyo markii la waayey Khashoggi, waxaa la is weydiiyey in hawlgalkii iyo qabashadii lagu dilay  saxafiga la fulin lahaa la’aanta ogolaanshaha Maxamed Bin Salmaan. Laakiin Erdogan waxa uu dalabyadiisa ah in la helo cadaalad, jawaabo uga dalbadat Boqorka Sacuudiga oo ah abaaha Maxamed Bin Salmaan, isaga oo dhaxal sugaha soo hadal qaadin.

Haddii aysan ahayn xushmad muuqata oo uu u hayo boqorka Sucuudiga, waxa ay sidoo kale ahayd waxa farqi u dhexeeya boqorka iyo dhaxal sugaha, kaas oo uu Erdogan u arko mid ay isku hayyaan aragti, sidoo kalena ku ah qatar danaha Turkiga iyo himiladeeda Bariga Dhexe, waxaa sidaas qaba fallanqeeye siyaasadeed.

Waxaa Iyana jirta dood ah in Erdogan ku dalbanayey in uu hoos u dhigo Maxamed ama ugu baaqo boqor Salmaan in uu xusho dhaxal suge kale, laakiin labada kiisba keey ahaato, waxa uu si guud ahaaneed isugu dayey in uusan waxyeello u geysan xiriirka kala dhexeeya Sucuudi Careebiya. Sida ay yiraahdeen, waa callaamaddii ugu dambeeysay ee uu Erdogan ku isticmaaayey kiiska Khashoggi – ku dheereysto oo uu ugu adeegsado hadafka weyn ee istaraatijiyaddiisa.

In ka badan saddex toddobaad kaddib dilkii Khashoggi ee Sucuudiga taas oo uu Erdogan ku tilmaamay hawlgal sii qorsheysnaa, dowladdiisa wali si waadax ah uma sheegin in ay dabinka cidda amarta ogtahay.

Khuburadii kiiska u baarayey Turkiga wax ay sheegeen in ay maalmo gudohood ku uruuriyeen caddeymo ku saabsan qorshihii Sucuudiga ee lagu dilay Khashoggi. Laakiin istaraatijiyadooda waxa ay ahayd in ay u soo gudbiyaan xogta inyar iyar, iyaga oo ku cadaadinaya Sucuudiga ay daaha ka rogaan waxa dhacay taas oo sababaeysa in Sucuudiga ay cadaadis kala kulmaan saaxiibadeed.

Khudbaddii Erdogan ee salaasada sidaas ay ku sii socotay, soo gudbinta xogo cusub laakiin aan bannaanka soo dhigeynta runta qaawan oo ahayd ballanqaadkiisii taas oo keentay in aduunka si dhaw ula socdo waxa uu sheegi dooni.

Iyada oo ay dhici kartay in daawadeyaal aad yar ay maskaxda ugu sawirneyn. Hadana khudbadda waxa ay u dheceysay qaab farriimeed toos ah oo ku socota boqorka, sidaas waxaa yiri H.A. Hellyer, xubin sare oo ka tirsan hay’adda cilmi barista ee Atlantic Council, isaga oo soo qaadanaya hadaladdii xushmadda lahaa ee uu Erdogan u adeegsanayey marka uu ka hadlayo boqor Salmaan isaga oo tusmeynaya. Xataa codsiga ugu adage e Erdogan – in Sucuudiga uu u soo musaafuriyo  Turkiga 18-ka la tuhunsan yahay ee ay u xir xireen kiiska – waxaa la orkayey soo jeedin ku socota boqorka.

“Waxa uu rejeynayaa haddii uu sidan dagan ku wajaho in boqorka laftiisa uu go’aansan doono in Maxamed Bin Salmaan u qalmin dhaxal sugaha,” waxaa sidaas yiri Hellyer.

Dadka Sucuudiga ah ee sheekada kor kala socda waxa ay qabaan in natiijado aad u hooseyso,  laakiin qaabka uu wax u raadinayo Erdogan waxa ay caddeyneysaa sida weyn ee uu uga soo horjeedo Maxamed Bin Salmaan siyaasadiisa Bariga Dhexe.

Waxyaabaha kala qeybinaya labada dal waxaa ka mid ah taageerada Turkiga siiyo Qadar taas oo khilaaf xoogan kala dhexeeyo Sucuudi Careebiya iyo xulufadeeda, Imaaraadka Carabta iyo Masar. Turkiga sidoo kale waxa ay taageereen dhaq dhaqaaqyada Islaamiyiinta sida Ikhwaanul Muslimiin oo ay dowladahaas sharci darro ku tilmaameen.

Erdogan sidoo kale waxa uu ka soo horjeeda maamulka Trump ee sida weyn ugu tiirsan Sacuudiga, xulufadeeda Carabta iyo Israel marka ay timaado kahor tagga Iran, waxaa sidaas yiri Aydin Selcen, oo ah fallanqeeye Siyaasadeed, hore u ahaa diblomaasi reer Turki ah.

“Sidoo kale waxa ay Iran u arkaan ahmiyad ammaankooda ah. Marka ay timaaddo dhinaca Turkiga sidaas ma aha. Turkiga waxa ay leeyihiin ahmiyado kale,” ayuu yiri.

Hellyer oo isna ka tirsan Atlantic Council, waxa uu sheegay in Ankara u aragto Maxamed iyo hoggaamiyeyaasha UAE iyo Egypt “Saddex ugu muhiimsan ee is hortagaya saameynta siyaasadeed ee Turkiga”.

Haddii Erdogan “Uu Curyaamiyo ama siyaasad ahaan wiiqo Maxamed Bin Salmaan, waxa sidoo kale wiiqmo doona labada kale,” waxaa sidaas qaba Hellyer.

Istaraatijiyaddan waxa ay Qatar u keeni kartaa Erdogan marka la eego da’yaraanta Maxamed maadaba uu ahaan karo boqor tobaneeyo sano, isaga oo korinaya collaada Turkiga. “Erdogan waxa uu jeclaan lahaa in wiilka Boqorka tago,” waxaa sidaas yiri Soli Ozel, Professor xiriirka caalamiga ka dhiga jaamacadda Istanbul. “Waxa uu isku dayayaa in uu sidaas sameeyo isaga oo aan jajabin qobka sare ee ukumaha.”

Turkiga waxa ay raadinayaan faa’iideyin kale, waxaa ka mid ah tageero dhaqaale oo uga yimaadda Mareykanka ama Sucuudi Careebiya. Ankara oo ah dalka suxufiyiinta ugu badan ay xabsiyada ugu jiraan, waxa ay sidoo kale jeclaan lahayd in ay iska yareyso go’doonka ay caalamka uga jirto marka ay le’eego diiwaankeeda xuquuqul insaanka.

Dhinaca kale waxaa jira qab qaran. Go’aanka Sucuudiga ee gudaha Turkiga ugu dileen Khashoggi waxa ay dharbaaxo wajiga ah ku tahay dowlada Turkiga,” waxaa sidaas yiri Selcen. “Aniga ahaan, ka muwaadin Turki ah, waa dharbaaxo wajiga ah. Tani waxa ay u baahan tahay in ay xalliyaan boqorka iyo Mr Edogan.”

Dowladda Turkiga waxa ay ilaa hadda iyo ammaan ku mudatay soo bandhigga xaaladda Khashoggi laakiin waxa ay halis ugu jiraan in lagu eedeeyo in ay baacsanayeen danahooda gaarka ah iyaga oo ku dadaya xuquuqda wariyeyaasha u xiran.

Malaha, wey ka badbadiyeen istaraatijiyadan boor isku qariska ah,” waxaa sidaas qaba Selcen. Waxa ay ku lumin karaan karaamadooda.”

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
Caasimada@live.com