Xisbiga Hor-U-Socod iyo mustaqbalka siyaasadeed ee CABDI WELI GAAS

Shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa shalay lagu soo geba-gebeeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Shirka waxaa ka qaybgalay hoggaamiyaasha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland waxaa ka maqnaa Hirshabelle oo sheegtey in ay golaha uga baxday markey tixgeliyeen danahooda khaaska ah.

Shirka waxaa ka soo baxay war murtiyeed, waxaana kamid ah qodobadii la isku raacay dhismaha Xisbi loogu magacdarey Xisbiga Hor-u-socod Qaran (National Progressive Party) kaas oo ay ku mideysan yihiin dhamaan Dowlad goboleedyada marka laga reebo Hirshabelle.

Guddoomiyaha NPP ayaa Golaha Iskaashigu isku raacay in uu noqdo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Guddoomiyaha Xisbiga NPP Cabdiweli Cali Gaas oo munaasabadii xiritaanka ka hadley, faah-faahina ka bixiyey Xisbigooda cusub ayaa yiri:

“…In la sameeyo xisbi ay ku midoobeen dhamaan Dowlad goboleedyada, sida afarta meeshan isugu yimid waxaan rajeyn in Hirshabele nagu soo biiri doonto, waxaan doneynaa in Xisbigu noqdo xisbi u eg Soomaaliya, Xisbi ka tarjumaya Soomaaliya oo dhan, Xisbi Soomaali ay ku midowdo in uu noqdo, kolba marka la dhiso waa arki doonaa nooca uu noqdo, mabdaiisa iyo ujeedooyinkiisa, waana soo bandhigi doonaa…”

Dhismaha Xisbigan ayaa dhaliyey su’aalo aad u badan oo dadku is weydiinayaan su’alaha ayaa la xiriira sababta Xisbiga siyaasadeed loogu dhex dhisey shirarkii Golaha Iskaashiga ee looga hadlaayey danaha Dowlad goboleedyada, muxuu daaran yahay Xisbigan, iyo mustaqbalka qaar kamid ah siyaasiyiinta xilku ka dhamaanayo.

Shirka Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa looga hadli jirey danaha Dowlad goboleedyada, cabashooyinka ay ka qaban Dowladda federaalka ah iyo sidii maamuladu isu kaashan lahaayeen dhanka nabadda iyo amniga.

In shirkii Golaha Iskaashiga looga dhawaaqo Xisbi siyaasadeed waxay muujisey shirarka iyo ujeedooyinka hogaamiyaasha dowlad goboleedyadu in uu yahay mid shakhsiyadeed iyo damacooda siyaasadeed ee Mustaqbalka dalka, waana wax ka baxsan ujeedooyinkii ay u dhisteen Golaha Iskaashiga, waxaana ay ka been sheegeen metelaada shacabkooda.

Markii Kismaayo lagu dhisey GIDG Oktoobar 2017 ayaa ujeedada Golaha lagu sheegay sidan:

Golahan wuxuu ka shaqeyn doonaa horumarinta danaha dowlad goboleedyada oo ay barbar socoto dib u heshiisiin dhab ah oo ku saleeysan heer bulsho taas oo horseedi doonta deganaan iyo xasilooni waarta.

Saddex Dowlad goboleed doorashooyinkoodi waxay dhacayaan muddo 7 bilood ah gudaheed waxaa u horeysa Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubaland, halka Galmudug ay tahay mid qaybsanaan ay ragaadisey qarkana u saaran in uu saqiiro.

Haddaba iyada oo aysan caddeyn mustaqbalka siyaasadeed, guusha iyo guuldarada hoggaamiyaasha hadda ee Dowlad goboleedyada, ee doorshooyinka soo socda ayaa jawaab u baahan sida uu noqon dono Xisbiga siyaasadeed ee ay wada dhisteen, haddii doorashooyinka looga guuleysto.

Dadka qaar ayaa qaba in Xisbigan dhismihiisa iyo hindisihiisaba uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Puntland ee xilku ka dhamaanayo Cabdiweli Cali Gaas. Gaas ilaa hadda kuma dhawaaqin in uu ka qayb-galayo tartanka doorashada Puntland 2019, sidaas darteed waxa uu diyaarinayaa mustaqbalkiisa siyaasadeed ee Soomaaliya, haddii looga adkaado doorashada Puntland 2019, si uu uga qaybgali karo doorashooyinka Soomaaliya ee 2020, isaga oo kaalmeysanaya saaxiibadiisa hadda, sida Shariif Xasan Sheekh Adam oo qudhiisu rajada uu lee yahay in mar labaad dib loo doorto ay yar tahay, laakiin awood ku leh Koonfur Galbeed kuna si jiri kara siyasadeeda Xisbigana ka socod siin kara, sidaas darteed waxaa la dhihi karaa shirkan waxa uu ka leexdey masaaliixda iyo danaha dadka dowlad goboleedyadaas waxaana uu isu beddalay madal lagu dhiso Xisbi siyaasadeed oo looga hadlo siyaasad shakhsi ku dhisan.

Dhismaha Xisbiga NPP ee ay siyaasiyiinta Garoowe ku shirey ay dhisteen iyo in guddoomiye kumeel-gaar ah looga dhigey Cabdiweli Cali Gaas ayaa si cad u kashifaysa in Madaxweynaha Puntland uu ka qayb-geli doono doorashada 2019, taas oo lagu wado in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo maalmaha soo socda, haddii kale Xisbigan uu samaystey wax macne ah oo uu keeni karo ma jirto.

Xisbiyada laga diiwaan geliyey Muqdisho ayaa ku eg Muqdisho. Dowladda ayaa soo wada iyaduna Xisbi loogu yeero NNP, waxaana muuqata in Xisbiga NPP looga hortagayo kan dowladda federaalku soo wado lana iska horgeynayo laba Xisbi oo ay garwadeen ka yihiin kuwo fashilmey labada dhinacba.

Ugu danbeyn Hoggaamiyaasha Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa isku raacay shir ay ka soo qaybgalaan Mucaaradka, Xisbiyada, bulshada raidka ah iyo Golaha Iskaashiga, kaas oo ka dhacay Dhuusamareeb, shirka ayaa u muuqda mid cadaadis weyn lagu saarayo Dowladda federaalka caalamkana loo dirayo in Soomaaliya ay ku jirto xaalad siyaasadeed oo cakiran.

Qore: I. Haji Said