IRAN oo arrin yaab leh la xiriirisay dilka Khashoggi

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Rouhani ayaa sheegay inaysan Sacuudiga khaarijin laheyn Suxufigaasi Jamal Khashoggi iyadoo aan badbaadin ka heysan Saraakiil ku sugan Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.

Wakaalada Wararka Islaamiga Jamhuuriyada Iran (IRNA) waxa ay kasoo xigatay Madaxweyne Rouhani inuu sheegay “Ma filayo inuu jiro wadan geysankara danbigaasi badbaado la’aanta Mareykanka”.

Rouhani waxa uu intaa ku daray “Qofna ma khiyaasi Karo in dunida maanta iyo qarniga cusub inaanu markhaati ka noqono sida dil abaabulan iyo nidaam qorsheeya fulinta dilalkaas”.

Sidoo kale, Rouhani ayaa arrinta dilka Jamaal Khashoggi ka hadlay markii ugu horeysay, waxa uuna rumeysan yahay in Boqorada dalka Sacuudiga ay kaalin weyn ku leeyihiin dilkaasi, taa oo sabab u ah aamusnaantiisa tan iyo markii la dilay Jamal Kashoggi.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Madaxweynaha Iran Rouhani ayaa u muuqda mid uu kaga faa’iideysanayo khilaafka Siyaasadeed ee dalkiisa kala dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga, iyadoo Iran lagu eedeeyay inay taageero siiso Kooxda Xuutiyiinta.

Source: IRNA