25.2 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Arag sawirro: Erdogan oo furay safaarada Turkiga ee Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaasi waxaa hadallo ka jeediyey wasiirro iyo ganacsato Turkiga ah kuwaasi oo ka hadlay xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.

Madaxweyne Ordugan oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ay sii ballaarin doonaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ayaa isna ammaanay dadaalka dowladda Turkiga iyo sidoo kale mashaariicda ay ka waddo Soomaaliya, waxaana uu bogaadiyey dadaalkaasi.

Waxaa hadda soconaya kulamo saxaafadda dibad joog ay ka tahay oo madaxweynaha Turkiga iyo madaxda dowladda Federaalka ku leeyihiin isla gudaha safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan ayaa goor dhaw la filayaa in sidoo kale uu xarigga ka jaro isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka oo dhawaan Turkiga ka hirgeliyay magaalada Muqdisho.
Saf1

Saf2

Saf3

Saf4

Saf5

- Advertisement -

Read more

Local News