29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Sawiro: Erdogan oo si quruxbadan loogu soo dhaweeyay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow waxa ay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxda dowladda oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud.

Receb Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga ayaa Salaan Sharaf Garoonka dhexdiisa uga qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,iyadoo uu sidoo kale mid mid u gacan qaaday Madaxda Dowladda ee ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga Receb Tayyip Erdogan ayaa ka qeyb galaya Munaasabad ka socota Degmada Cabdi Casiis oo ay ku taallo Safaradda Casriga ah ee Turkiga uu ka dhistay Soomaaliya,halkaa oo lagu wado inuu Xariga ka jaro Safaaradda.

Madaxweyne Erdogan ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

duga_1

duga_2

duga_3

duga_4

duga_5

duga_6

Erdogan4

Erdogan5

Erdogan6

- Advertisement -

Read more

Local News