Kismaayo (Caasimada Online) – Ergeyga urur goboleedka IGAD oo maalmahan ku sugnaa Kismaayo ayaa soo gabagabeeyey booqashadii uu ku joogay magaaladaasi.
Dr Maxamed Guyow, oo war-saxaafadeed soo saraay ayaa sheegay in ay halkaasi u joogeen, si ay gacan uga geystaan doorashada maamulka Jubbaland.
Wakiilka ayaa sheegay in habka ay wax ku socdaan ay la wadaagi doonaan beesha caalamka oo il gaar ah ku heysa doorashadaasi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in IGAD ay caddeyneyso in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee Jubbaland ka dhaceysa dhammaadka bishan..
Ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in uu adkeynayo baahida loo qabo in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
Mr Guyow ayaa intii uu joogay Kismaayo la kulmay guddiga doorashada, qaar ka mid ah musharaxiinta is bedel doonka ah, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha bulshada.
Doorashada Jubbaland ayaa lagu wadaa in la qabto 24-tanka bishan August, taas oo haatan qaban qaabadeeda laga dareemayo deegaanada maamulkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]