Sawirro: Ganacsatada suuqa Bakaaraha oo ka digay tallaabo lala damacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan muhiim ah ku yeeshay qeybaha kala duwan ee ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kulanka ayaana looga arinsanayay caqabadaha ka taagan Suuqa sida nadaafada, amaanka iyo xirnaashaha wadooyinka Suuqa soo gala.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay warar soo baxayay oo sheegaya in Ganacsatada Suuqa kor looga keenayo hoggaan aysan iyagu dooran sidoo kale aan ka mid aheyn ganacsatada qeybaha kala duwan ee Suuqa Bakaaraha.

Cismaan Khaliif Abtidoon oo kamid ah gudoomiyeyaasha qeybaha Suuqa Bakaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu ka jiro hoggaan ay isku raacsan yihiin dhamaan ganacsatada Suuqa .

Ganacsadahan ayaa sheegay in aan la magacaabi Karin hoggaanka Suuqa Bakaaraha balse uu ku imaan karo doorashada qeybaha kala duwan ee Suuqa ka kooban yahay, waxa uuna tilmaamay in ganacsato iyagu xushaan ruuxa hoggaaminaya ayna ku aaminayaan masiirkooda .

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay Maxamed Sheekh oo ka tirsan qeybta dhismaha ee Suuqa Bakaaraha ayaa isna sheegay in ganacsatada Suuqa Bakaaraha yihiin kuwa isku xiran oo maamul leh, waxa uuna ka digay in qof la magaacbo aysan ganacsato raali ka aheyn lagu qasbo

Ganacsade Xuseen Warsheekh oo isna ka hadlay kulanka g ayaa ugu baaqay in Ganacsatada Suuqa ay mid ahaadaan si aan faragalin loogu sameyn, waxa uuna ugu baaqay in dadka doonaya in ay faragalin ku sameeyaan hogaanka ganacsatada Suuqa in ay ka laabtaan qorshahooda guracan

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif   oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu ka kooban yahay 7-qeyb ayna qeyb walbo soo doorato hogaankeeda, waxa uuna xusay in qof walbo oo hogaanka kamid noqonaya laga doonayo shuruudo dhowr ah in uu soo buuxiyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiyaha in hoggaanka ganacsatada Suuqa Bakaaraha uusan aheyn mid dowlad soo magacawdo balse ku yimaadaan rabitaanka ganacsatada qeybaheeda kala duwan ee Suuqa Bakaaraha ku ganacsada.

Dhamaan ganacsatadii kulanka ka hadlay ayaa si wadajir uga digay in Suuqa Bakaaraha loo soo magacaabo dad aysan raali ka aheyn ganacsatada, waxa ayna sheegeen in ganacsatu yihiin kuwa iyagu xaq u leh in ay ka tashadaan aayahooda ayna hogaanka u dhiibtaan cidii ay iyagu doortaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com