26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Eritrea iyo Itoobiya oo qarka u saaran dagaal kadib qorshe ay ka war heshay Asmara

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Asmara (Caasimada Online) – Eritrea ayaa ku eedaysay dawladda Itoobiya inay farriimo diblomaasiyadeed u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo “hoggaamiyeyaal dawladeed oo dhowr ah” si ay ugu eedeyso “daandaansi isdaba joog ah” iyo “ku xadgudub madaxbannaanida iyo dhulka Itoobiya,” iyadoo ku tilmaantay tallaabadan mid qayb ka ah isku day ballaaran oo “loogu marmarsiinyoonayo in laguna hurinayo colaad.”

Bayaan ay soo saartay 26-ka Juun, Wasaaradda Warfaafinta ee Eritrea waxay ku sheegtay in dawladda Itoobiya ay “xoojisay ololaheeda diblomaasiyadeed” maalmihii la soo dhaafay, waxayna ku tilmaantay farriimahaas “xeelad iska cad” oo looga gol leeyahay “in lagu marin habaabiyo beesha caalamka” si taageero loogu helo wax ay ugu yeertay “ajende dagaal oo muddo dheer la soo abaabulayay.”

Eritrea waxay kaloo ku andacootay in “Xisbiga Barwaaqo ee talada haya uu si taxadar la’aan ah ugu mashquulsanaa, labadii sano ee la soo dhaafay, hadallo aan loo baahnayn” iyo “hanjabaado colaadeed oo daandaansi ah,” taasoo ay sheegtay inay qayb ka ahayd dadaallo lagu doonayo in lagu helo dekedaha Eritrea—”haddii ay suurtagal tahay si sharci ah, haddii kalena si milatari ah.”

Sida ay sheegtay dawladda Eritrea, falalkan waxaa ka mid ahaa “gadasho hub oo xawli ku socota” iyo “ficillo badan oo afgembi ah.” In kasta oo ay jireen wax ay ugu yeertay “khataro waaweyn” oo ku wajahan madaxbannaanideeda iyo xasilloonida gobolka, Eritrea waxay sheegtay inay muujisay “dulqaadkii ugu sarreeyey.”

Waxay sidoo kale soo xigatay bayaan dadweyne oo la soo saaray 16-kii Oktoobar 2023, kaddib hadallo uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya u jeediyay xildhibaannada oo ahaa in arrinta helitaanka badda ay tahay “arrin jiritaan u ah Itoobiya,” kaasoo Eritrea ay sheegtay inay ka muujisay “waji gabax” ayna hoosta ka xarriiqday “inaysan marnaba ku biiri doonin jidad iyo madalyo noocaas ah,” iyadoo ku boorrisay kuwa kale “in aan la daandaansan.”

Wasaaraddu waxay diiday wax ay ugu yeertay “in la qalloociyo xaqiiqooyin aan la tirtiri karin” si loogu celiyo eedeymaha gardarrada Eritrea, iyadoo ku tilmaantay sheegashooyinkaas “been aan caqli gal ahayn.”

Waxay sidoo kale xusuusisay wax ay ku tilmaantay “qabsashadii sharci-darrada ahayd ee dhulal badan oo madax-bannaan oo Eritrea leedahay” oo ay geysteen “dawladihii isaga dambeeyey ee Itoobiya” muddo ku dhow labaatan sano, taasoo ay sheegtay inay ku xadgudubtay “sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Go’aankii Guddiga Xuduudaha ee Eritrea iyo Itoobiya (EEBC).” Eritrea waxay sheegtay in qabsashadaas “goor dambe la saxay” ayna aasaas u noqotay Baaqii Wadajirka ahaa ee Nabadda iyo Saaxiibtinimada ee lagu saxiixay Asmara 9-kii Luulyo 2018.

Bayaanka ka soo baxay Eritrea wuxuu ku soo beegmay xilli baraha bulshada si weyn loogu faafiyay warqad aan la xaqiijin, oo lagu eedeeyay inay ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya oo ku taariikhaysan 20-ka Juun 2025.

Warqadda la faafinayo ayaa ku eedeyneysa “nidaamka Eritrea” inuu geystay “daandaansi isdaba joog ah oo ka dhan ah Itoobiya” iyo “ku xadgudub madaxbannaanida iyo dhulka Itoobiya.” Waxay sheegtay in falalkani “ay yihiin ku xadgudub bareer ah oo sharciga caalamiga ah” ayna “sii xumeynayaan nabadda iyo amniga jilicsan ee Geeska Afrika.”

Waxay kaloo sheegtay in Eritrea ay qaadatay “siyaasad colaadeed oo sii kordheysa,” oo ay ka mid yihiin “qabsasho dhuleed,” “rabshado ka dhan ah dadka rayidka ah,” iyo “taageerada kooxo hubeysan oo kala duwan.” Qoraalka ayaa ugu baaqaya beesha caalamka inay ku boorriyaan Eritrea “inay joojiso isticmaalka wakiillada ee colaaddeeda ka dhanka ah Itoobiya,” iyadoo la sheegayo in Itoobiya “ay weli si adag ugu taagan tahay” raadinta “wada-hadal iyo is-faham nabadeed.”

Si madaxbannaan looma xaqiijin karin sax ahaanshaha dokumentigaas.

Xiisadahan diblomaasiyadeed ayaa imaanaya toddobaadyo kaddib khudbad uu 24-kii Maajo jeediyay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, taasoo uu ku tilmaamay in Itoobiya ay ku jirto “wareeg dhibaatooyin iyo burbur ah” oo socday “sideetan sano – oo aan ka yarayn saddex fac.” Wuxuu ku sababeeyay siyaasado “ay dejiyeen taageerayaasha Washington” xilligii Dagaalkii Qaboobaa, iyo weliba “khaladaad waaweyn” oo ay galeen hoggaamiyeyaashii Soofiyeedka. Sida uu sheegay, Itoobiya waxay lumisay fursaddii ay qaran ku dhisan lahayd, taas beddelkeedana “waxay u janjeersatay kala qaybsanaan qowmiyadeed,” taasoo uu sheegay inay keentay “kacdoonno iyo burbur.”

Isagoo ka jawaabaya, Danjire Dina Mufti, oo hore u ahaa afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Isaias inuu horumarinayo sheeko “aad u khatar badan” oo ku saabsan “colaad u dhaxaysa Kushitigga iyo Semitigga” taasoo qayb ka ah istiraatiijiyad lagu doonayo “in dib loogu habeeyo awoodaha Geeska.”

Dina wuxuu sheegay in Isaias uu hiigsanayo inuu mideeyo “maleeshiyooyin qowmiyadeed oo ka soo jeeda gobollada Tigray iyo Amhara” si uu u abuuro isbahaysi meesha looga saaro dawladda federaalka, taasoo uu ku andacooday in Isaias uu u arko inay “u adeegto quwado shisheeye.” 

- Advertisement -

Read more

Local News