Ethiopia oo xaqiijisay heshiiska DFS iyo Axmed Madoobe sheegtayna in…

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in dowladda federaalka ah ee Somalia iyo kooxda Axmed Madoobe ay heshiis buuxa ku gaareen wada hadalladii uga socdy magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalkaas. Halkan arag warkii heshiiska

Wasiirka Arrimaha dibedda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa war kooban oo uu soo dhigay boggiisa twitter-ka shaaca kaga qaaday heshiiska oo dhacay habeenkii talaadada.

Waxa kale oo uu sheegay in heshiiska qalinka lagu aasi doono maanta oo arbaca ah.

“Waxaan idiin hayaa war wanaagsan, dowladda Somalia iyo Jubba waxa ay heshiis ku gaareen magaalada Addis-Ababa. Waa maalin u weyn Somalia iyo gobolka. Waxaa heshiiska la saxiixi doonaa beri (Arbaco)” ayuu ku yiri Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus qoraalkii uu soo dhigay twitter.

Qoraalkii uu soo dhigay twitter oo aan ka qabanay screen shot ayaa ahaa sidan:-

Tedros

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com