Ethiopia oo ka jawaabtay tallaabo ay qaaday Masar iyo xiisada 2-da dal oo ka dartay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia uma muuqato wax sabab ah oo ay dib ugu dhigto buuxinta biyo-xireenka muranka uu ka taagan yahay ee webiga Nile, inkasta oo ay jiraan digniino ka imanaya Masar oo ah in tallaabada noocaas ah ay xasilooni darreyn karto gobolka, sida lagu sheegay warqad ay wasaraadda arrimaha dibedda Ethiopia u dirtay Golaha Ammaanka QM.

Biyo-xireenka dib-u-curashada weyn ayaa ahaa isha xiisad u dhaxeysay labada dal tan iyo markii ay Ethiopia ay billowday dhismaha mashruucan, 2011—kii.

Addis Ababa ayaa sheegtay in biyo-xireenka uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda, halka Qaahira ay ka cabsi qabto inuu waxyeeleyn karo webiga ay ka hesho inta badan biyaheeda.

Wada-hadallo dhacay horraantii sanadkan oo u dhaxeeyay labada dal iyo Sudan – oo ah dal kale oo webiga uu maro – ayaa ku guul-darreystay in wax heshiis ah lagu gaaro.

Bishii April, ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa soo jeediyey in lagu dhaqaaqo “marxallada koowaad ee buuxinta” taasi oo muddo laba sano gudaheed ah ku shubeysa keydka biyo-xireenka biyo dhan illaa 18.4 bilyan oo cubic meter.

Masar iyo Sudan ayaa ka cabsi qaba in keydka biyaha biyo-xireenka – oo qaada 74 bilyan oo cubic meter ah – uu yareyn doono biyaha soo gaara.

Buuxinta iyo howl-galinta biyo-xireenka “waxay halis gelin doontaa amniga biyaha, amniga cunnada, iyo xaqiiqdii jiritaanka 100 milyan oo Masaari ah, kuwaasi oo noloshooda ay ku xiran tahay Webiga Nile,” waxaa sidaas lagu yiri warqad uu wasiirka arrimaha dibedda Masar Sameh Shoukry u diray Golaha Ammaanka QM oo ku taariikheysan 1-da May.

“Tani waa xaalad suurta-gal ay tahay inay halis muuqata ku noqoto nabadda iyo amniga gobolka oo dhan,” ayuu yiri.

Jawaab ku taariikheysan 14-ka May, islamarkaana ay aragtay wakaaladda wararka AFP, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Gedu Andargachew waxa uu Masar ku eedeeyey inay tahay carqaladeeye.

“Ethiopia ma haysato waajib sharci ah oo ay tahay inay Masar fasax uga raadsato buuxinta biyo-xireenka,” ayuu yiri Gedu.

“Ethiopia waxay saameyso dadaallo aan caadi ahayn oo ay ku tix-gelineyso dalabyada aan dhammaadka lahayn iyo dhaqanka aan la saadaalin karin ee Masar,” ayuu yiri.

Masar ayaa dooneysa in Ethiopya ay taageerto heshiis qabyo qoraal ah oo kasoo baxay wada-hadalladii horraantii sanadkan ay fududeysay wasaaradda maaliyadda Mareykanka, oo arrintan soo faro-gelisay kadib markii madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi uu cadaadis saaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ay xulufo yihiin.

Hase yeeshee, Ethiopia ayaa ka baaqatay wareeggii ugu dambeeyey wada-hadallada, waxayna beenisay in wax heshiis ah lagu gaaray.

Inkasta oo warqadda Masar ee Golaha Ammaanka ay kasii dartay xiisadda, haddana suurta-galnimada dagaal dhex-mara labada dal oo ka dhasha biyo-xireenka ayaan “weli muuqaan”, sida uu sheegay William Davidson oo ka tirsan hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG).

“Waxaan fileynaa in xaaladda ay kasii darto diblomaasiyad ahaan, iyo haddalo kulul oo la is-weydaarsado. Hase yeeshee xal laga wada-xaajooday oo arrintan loo helo waa mid u wanaagsan dhinac kasta, waxaana weli jira suurta-galnimada arrintaas,” ayuu yiri Davidson.