Somaliland oo xabsi dhigtay fanaaniin booqday Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Xarunta Xuqul Insaanka ee Somaliland (HRC) ayaa baaq culus kasoo saartay xarig ay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ay kula kacday Fanaaniin booqday magaalada Muqdisho.

Xarunta Xuqul Insaanka Somaliland ayaa sheegtay inay wax laga xumaado tahay in xarig lagula kaco fanaaniintaasi, kuwasi oo xukuumada Muuse Biixi ay ku eedeysay qodobo culus oo aan loo meel dayin.

Xukuumada Biixi ayaa fanaantaasi kusoo oogtay dacwad ciqaab ah iyada oo ku eedaysay falal Somaliland ka dhanka ah oo muwaadin dalka debediisa ka sameeyo (qodobka 212 Xeerka Ciqaabta) iyo in qof muwaadin ahi lacag ka qaato shisheeye (qodobka 189), sida lagu sheegay Baaqaasi kasoo baxay HRC oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Caasimada Online.

Xarunta ayaa sharci daro u aragta dacwada ay xukuumadu kusoo oogtay fanaaniintaasi oo magacaantooda lagu kala sheegay Xamda Yuusuf Ibraahim iyo Barwaqo Maxamed Xaashi, iyada oo xabsigana loo taxaabay bishii hore ee April.

Sidoo kale waxa baaqa kasoo baxay Xarunta Xuqul Insaanka ee Somaliland (HRC) lagu sheegay inay xukuumadu xarig kula kacdo shaqsiyaad afkaartooda ku qora baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook, isla markaana lagu soo oogin dacwad.

Xarunta ayaa walaac xoogan ka muujisay ciqaabta xukuumada Biixi ay marsiineyso  fanaaniintaasi iyo dadka ka afkaarta duwan, iyada oo eedaha lagu soo oogeyna ku tilmaamtay kuwo aan sharci ku fadhiyin.

Ugu dambeyntiina waxa ay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi usoo jeedisay inay dib uga laabato eedahaasi, isla markaana ay usoo celiso xoriyada muwaadiniintaasi oo ku xiran sifo sharciga baalmarsan.

Maaha markii u horeysay ee Xukuumada Somaliland ay xabsiga u taxaabto Fanaaniin u safray Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, iyada oo dhowr jeer oo horena ay dhacday, walow aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxa xukuumada.