Maamulka PUNTLAND oo go’aano nuuc kale ah kasoo saaray dugsiyada qur’aanka

Garowe (Caasimadda Online) Guud ahaan gayiga Soomaalida waxaa saameyn ku yeeshay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus kaas oo waxyaabo badan hakad galiyay, iyadoo ay taasi jirto ayey hadana maamul goboleedka Puntland war kasoo saareen maalmaha ciida iyo dib u furista dugsiyada Qur’aanka.

Macalimiinta dugsiyada Qur’aanka waxaa soo foodsaartay xaalad adag taasna waxey keentay in lagu qasbanaado in loo ogolaado iney dib u furaan xarumahooda, balse shuruudo ayaa la hordhigay ay tahay iney ka gudbaan.

Cawil Sheikh Xaamud oo ah wasiirka Cadaaladda Puntland ayaa sheegay in macalimiinta loo sheegay wax ka badan 30 arday ineysan hal qol wax ku wada baran karin si looga fogaado isku dhawaansho saa’id ah oo ay Ardayda sameeyaan.

Wasiirka wuxuu yiri: “Waa in macalin walba oo heysta wax ka badan 30 Arday uu kireystaa qol kale ama uu laba galin u kala qeybiyaa ardaydiisa”

Sidoo kale Wasaaradda waxey kula talisay macalimiinta iney taxadar muujiyaan isla markaana xirtaan Facemask (Afxir) iyo sidoo kale Gloves (Gacmo gashi) si ay uga fogaadaan faafista xanuunka Coronavirus.