Xog: Dhammaan waaxyaha degmada Yaaqshiid oo laga jartay korantadii + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhammaan lixda waax ee degmada Yaaqshiid laga jartay Korantada, kadib markii ay bixin waayeen lacagihii lagu soo dallacay.

Muddo Asbuuc ah ayey korontadu ka maqan tahay waaxyaha degmada Yaaqshiid oo kala ah, Heegan, Horseed, Towfiiq, Juungal, Tawakal iyo Kowda Luulyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo aan la xariirnay ayaa xaqiijiyay Korontada ka maqan waaxyaha degmada, waxaana sababta lagu sheegay in maamulka degamda uu bixin waayay lacagta Korontada.

Lacagta Korontada iyo biyaha iyo waaxyaabaha kale oo ay Waaxyaha degmooyinka u baahdaan ayaa laga bixiyaa xarunta degmada, siday masuuliyiintu sheegeen, hase yeeshee Guddoomiyaha Yaaqshiid ayaa diiday inuu bixiyo bishaan lacagtii la soo dallacay isagoo amray in Shirkaduhu jartaan adeegooda.

Waaxyaha degmada Yaaqahiid ayaa bulshada u haayay adeegyo muhiim ah oo ay ugu yaraan amaanka iyo waaxyaha qaar oo saldhig u aheyd waaxda Canshuuraha gobalka iyo degmada.

Arrintan ayaa saameen weyn ku yeelatay Yaaqshiid waxayna waaxyaha degmada halis ugu jiraan in ay wajahaan weeraro maadaama ay mugdi yihiin.