Shacab ka falceiyey qoraal ay Villa Somalia soo dhigtay facebook – ‘Madaxweyne baddeena meel ku sheeg’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili si weyn loo hadal hayo dib u dhigista saddexaad ee Maxkamadda ICJ ku sameesay dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya kadib codis ka yimid xukuumadda Nairobi, ayaa Soomaalida waxey is-weydiinayan sababta madaxweynaha weli uusan arrintan uga hadal.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar oo muuqaal kasoo duubay xafiiskiisa ayaa ku soo koobay in dib u dhigista ay Maxkamadda ku wargelisay dowladda, ayna ku qasban yihiin inay qaataan go’aanka maxkamadda.

Maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya oo marmarsiyo ka dhigatay cudurka Coronovirus dartiis ineysan sanadkan dacwadda ka qeyb gali karin.

Hadaba waxaa jira madaxdii hore ee dalka, siyaasiyiin iyo Xildhibaano ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu arrinta badda isaga mas’uul ka yahay ayna hoos imaaneyso, sidaas darteedna loo baahan yahay inuu ka hadlo.

Waxaa intaas sii dheer in dadka ku xiran baraha bulshada Villa Somalia ay ka falceliyeen qoraal  xil loogu magacaabay shaqsi madaxtooyada u qaabilsan hab-maamuuska, ayaga oo si weyn ugu dalbaday in madaxweynaha uu ka hadlo arrinta badda, taas oo muujineysa iney shacabka shaki ka qabaan dib u dhigista kiiskan.

Qaar kamid ah dadka ayaa ka dalbanayay madaxweyne Farmaajo in la cadeeyo sababta xilka looga qaaday, qaarna loo badalay qareenadii iyo dibloomaasiyiintii difaacayay dacwadda Badda sida Muna Sharma, Xeer ilaaliyihii shaqada laga ceyriyay Axmad Cali Daahir, iyo safiirkii Soomaaliya u fadhiyay xarunta Midowga Yurub ee Brussles Danjire Danjire Cali Saciid Fiqi oo laga dhigay Gudoomiayaha Xildhibaanada Koofur Galbeed oo dhamaantood hormuud u ahaa difaacidda iyo dacwadda Badda oo ilaa imika booskooda aan la buuxin.

Hadaba waa kuwan qaar kamid ah dad kasoo felceliyay qoraalkii ugu dambeeyay ee madaxtooyada: