Qoor Qoor oo lagu qanciyey inuu ku xirmo Imaaraadka

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Arrimaha siyaasaddeed ee waayadan ka socday Galmudug ayaa dad badan shaki galiyay. Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xukuumadiisa ku badiyay xubno ay si weyn isaga soo horjeedaan madaxda dowladda Federaalka ah. Xubnaha uu Qoor Qoor qaatay ayaa u badan xubno ka socday Xisbiyadda UPD iyo Wadajir.

Hadaba su’aasha ay dad badan is weydiinayaan maalmahan ayaa noqotay maxaa qasbay Qoor Qoor, ma siyaasad fur furid ayey ka tahay mise qorshe kale ayaa jira.

Caasimada Online ayaa illo aad u xooggan oo lagu kalsoonyahay ka heshay inuu Qoor Qoor kasii baxaayo gacanta Farmaajo iyo Kheyre, uuna u xuubsiibanaayo siyaasiyiinta ku xiran Dowladda Imaaraadka Carabta, oo lagu qanciyay inuu dhisi karo maamul la mid ah Puntland, hadii uu sidaas sameeyo.

Ragga howshaan gacanta ku haya waa labo koox oo gunnaanadka isku ujeeddo ah. Koox koowaad waxaa ka mid ah Axmed Macalin Fiqi iyo Liibaan Tahliil Warsame. Xubnahan waxaa soo raaca gudoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Axmed Bukhaari, kaas oo aanney wali si fiican u heshiinin Qoor Qoor.

Xubnahan ayaa heysan jiray qandaraaska mushaar bixinta iyo saadka ciidankii Imaaraadku maamuli jiray ee dagannaa Muqdisho. Mashruucoodii ayaa istaagay kadib markii ay Dowladda Federaalku xirtay xaruntii ay deganayeen ciidankii hoos tagi jiray Imaaraadka.

Kooxda labaad waxaa hogaaminaya musharax hore Kamal Gutaale, waxaana qeyb ka ah dad uu ka mid yahay Cabdinasir Geelle oo dhowaan laga dhigay wasiirka qorsheynta ee Galmudug, xagga farsamada iyo dabagalka kulamada Qoor Qoorna waxaa kala shaqeynaya nin la yiraahdo Cabdullaahi Calas. Labada dhinac waxaa ay ka simanyihiin hal mowqif oo ah in Qoor Qoor uu ka baxo gacanta Villa Somalia iyadoo faa’iido badan laga tusay dhanka Imaaraadka.

Liibaan Tahliil oo abti u ah Cabdinaasir Geelle ayaa ah ninka isku xiraya labada dhinac, si aan hadhow la isu khilaafin, markii arrinta lagu guuleysto.

Qoor Qoor waxaa lagu qanciyay in Imaaraadku ay diyaar u yihiin iney ciidamo xoog leh u dhisaan Galmudug sida Puntland iyo Jubaland, waxaa kaloo lasoo jeediyay in shirkadda DP World ee laga lee yahay Imaaraadka lagu wareejiyo dekadda Hobyo.

Inta aan talaabbada Dekadda la qaadin waa in ciidanka ka amar qaata Dowladda Federaalka ah laga saaro Galmudug sida qorshuhu yahay. Imaaraadku waxey aqbaleen in lacagtii ay ku bixin jireen ciidanka Xamar loo wareejiyo Galmudug hadii uu Qoor Qoor aqbalo inuu xiriirka u jaro Villa Somalia.

Wasiirka amniga ee Galmudug, Axmed Macalin Fiqi wuxuu sheegay in ay dhisayaan ciidamo ugaar ah, balse ma uusan sheegin meesha dhaqaale looga keeni doono madaama aaney Galmudug wax soosaar laheyn.

Howlaha socda waxaa ka mid ah in markii uu Qoor Qoor isku soo dhiibo kooxdan oo uu lumiyo xiriika Dowladd Federaalka ah, in isaga mooshin lagu bixiyo kadibna Galmudug loo dhiibo Cabdiraxmaan Odawaa, madaama uusan isagu (Qoor Qoor) mar walba toos ula macaamili karin Imaaraadka, oo mar walba loo dhaxeyn doono. Waxaa kaloo qorshooyinka ka mid ah in gacanta Farmaajo laga bixiyo maamulkii sadexaad, si maamulka doorashada guud ee Soomaaliya loola yeesho.

Qoor Qoor wuxuu dhowaan u sheegay dad saaxiibadiis ah in aaney hada isku fiicneyn isaga iyo madaxda Dowladda Federaalka ah, taas oo loo fahmay inuu ku qancay mashruuca ay curiyeen labada koox, waxaa kaloo jira warar sheegaya in lagala hadlay Qoor Qoor inuu iska fogeeyo senator Yuusuf Geelle Ugaas iyo Senator Dhagdheer oo ahaa saaxibadii dhisay.

Siyaasiyiinta dhowaan la wareegay jiheynta Qoor Qoor waxey aaminsanyihiin in Dhageey Geelle iyo Dhagdheer ay u shaqeynayaan ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Illaha aan xogta ka helnay waxey sheegayaan in Qoor Qoor uu maalmihii dambe dhabarka xijiyay Dhagdheer iyo Dhageey, taasoo ay dad badan la yaab ku tilmaameen.

Waxaa durba soo baxaya walaac ku saabsan aayaha Galmudug, taas oo aan 4 sanno wax mashruuc ah ka helin hay’addaha Caalamiga ah ee xiriirka laleh Dowladda Federaalka ah, hadana waxaa muuqata in maamulka uu go’adoon cusub gali karo.