23.9 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Ethiopia oo ku guuleysatay hadafkeeda iyo Shariif Xasan oo tanaasulay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Shirkii dowladda Ethiopia ay ugu yeertay saddex ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa soo idlaaday, ayada oo dowladda Ethiopia ay ku guuleysatay hadafkii ay u wacday madaxdaas, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Dowladda Ethiopia ayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdikariim Guuleed iyo Cali Cabdullahi Cosoble ugu wacday inay joojiyaan qorshe ay ku taageerayaan Cabdirashiid Xidig oo u sharxan xilka guddoomiyaha baarlamanka, si beesha Daarood aysan u helin madaxweyne ama ra’iisul wasaare, sida ay Caasimada Online horey u qortay. Halkan ka aqri.

Wararka iminka nasoo gaaray ayaa sheegaya in dowladda Ethiopia ay ku guuleysatay in Shariif Xasan ay ka dhaadhiciso in uu ka tanaasulo xilka madaxweynaha Soomaaliya oo uu u sharxan yahay, islamarkaana aan marnaba la taageerin Xiddig, ayada oo beesha Digil iyo Mirifle ay qaadaneyso guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya.

Sidoo kale Guuleed iyo Cosoble ayaa lagu amray inay joojiyaan taageerada ay siinayaan Xiddig iyo dibin daabyada ay ku hayaan beesha Daarood, taasi oo ay qaateen.

Dowladda Ethiopia ayaa caddeysay in habka awood qeybsiga Soomaaliya uu sii ahaado sida iminka uu yahay, oo beelaha Hawiye iyo Daarood ay kala qaataan madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare, halka beesha Digil iyo Mirifle ay sii hayn doonto xilka guddoomiyaha baarlamanka.

Arrintan beddelkeed ayaa Shariif Xasan waxaa loo ballan qaaday in looga dambeyn doono xubnaha Koonfur Galbeed, isaga oo soo xulaya qofka guddoomiyaha baarlamanka noqonaya, kaasi oo si buuxda loo wada taageeri doona. Arrintaas oo sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh uu ogolaaday. Sidoo kale dowladda cusub ayaa Ethiopia ay u ballan qaaday Shariif Xasan in dhammaan wasiirada lasoo dhisayo uu isaga soo qorto.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu magaalada Makkah ee dalka Sacuudiga iminka u duulay, kadib wada-hadallada.

Waa astaan kale oo muujineysa awoodda Ethiopia ay ku leedahay siyaasadda Soomaaliya iyo inay leedahay go’aanka kama dambeysta ah ee wax kasta oo ka dhacaya Soomaaliya.Ethiopia waxay taageersan tahay dib u doorashada madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News