Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu shaaciyay Safiirka cusub ee Dowladda Ethiopia u fadhiya Muqdisho, Ambassador Wondimu Asaminew shirkadda duulimaadka Ethiopian Airlines waxay dib ugu bilaabeysaa duulimaadyo garoonka Muqdisho, xili ay shirkadaasi gabi ahaanba joojisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Somaliland.
Ambassador Wondimu Asaminew wuxuu sheegay in Dowladda Ethiopia ay go´aansatay xiligan iney dib u bilowdo duulimaadyo rasmi ah oo shirkadooda ku imaan doonto Muqdisho, si bulshada Soomaaliyeed iyo dadka kale loogu fududeeyo safarka mudada dheer qaadan jiray.
Wuxuu ka hadalyay Safiirka go´aanka ay shirkadda Ethiopian Airlines ay ku joojisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Hargeysa wuxuuna sheegay in taasi ay ku timid howlaha garoonka Hargeysa oo weli qabyo ah oo aan xamili karin diyaaradaha waaweyn iney soo caga dhigtaan.
Laakiin wuxuu tilmaamay in taasi badalkeeda ay u fududaatay iney duulimaad ka bilowdo garoonka weyn ee Muqdisho oo buuxiyay shuruudihii caalamiga ahaa ee caalamka ka jiray, sidaasi darteedna ay shirkadda ka howlgeli doonto.
Go’aanka Ethiopia ayaa waxaa dhaliilay maamulka Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho