Guddoomiyihii Bankiga dhexe oo qiray warkii Caasimada Online ee 13-kii Sep.

Nairobi (Caasimada Online) Iyadoo ay 13-kii bishan ay Caasimada Online qortay in shaqada laga ceyriyay guddoomiyihiin Bangiga dhexe ee Soomaaliya, ayaa warkii Caasimada Online waxaa xaqiijiyey guddoomiyaha.

Halkan ka arag xogtii Caasimada Online ee toddobaad ka hor iyo sidoo kale gabadha lagu beddelay guddoomiyaha

Isagoo la hadlaayay wakaalada wararka Reuters ayuu Cabdisalaan Cumar Hadliye oo ahaa guddoomiyihii Bangiga dhexe ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in uusan ilaa hadda ka warqabin sababaha loo qaaday xilka.

Mar la weydiiyay in xilka uu ku waayay warbixin bishii July ay soo saareen kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eriteria ee QM, kuwaasoo sheegay in lacago badan oo yaalay bangiga dhexe loo is-ticmaal si shaksi ahaan, wuxuu beeniyay in arrintaas aysan waxbo ka jirn, wuxuuna cadeeyay in lacagaha inta badan ka baxay Bangiga ay ahaayeen kuwa si sharci loo bixiyay.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa xog ku heysa in dowladda Soomaaliya guddoomiyaha cusub ee Baanka dhexe u magacowday haweeney in ka badan 30-khibrad u leh arrimaha maaliyadda kuna nool dalka Maraykanka, oo lagu magacaabo Yussur Abraar.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada ugu horeeya ee musuq-maasuqa adduunka, waxaana lixdii sanno ee la soo dhaafay ku jirtay kaalinta koobaad.

Beesha caalamka ayaa dooneysa in si hufan ah loo maareeyo dhaqaalaha ay ku deeqdo Soomaalida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com