Farriin Madaxweyne Xasan ka timid

Muqdisho  (Caasimada Online) – Wareysi uu Siiyaya TV-ga dowlada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu kaga waramay Dhbaatooyin dalka Talyaaniga ku heysta Dhalinyaro Soomaali ah .

Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomalaiya wuxuu sheegay inay Jiraan Dhibaatooyin Soomaalida kala duwan ay halkaasi ku hheystaan isla-maraana ay u baahan yihiin id dib u celin loo sameeyo .

Waxa uu ugu baaqay dhalinyarada ku daacdareysan Magaalada Roma iyo Gobolada Kale ee dalkaasi  inay dib ugu soo laabtaan Dalkooda Hooyo , waxaana uu sheegay in hadii ay yimaadaan ay heli karaan nolol u dhaanta mida ay iminka ku jiraan.

EDhalinyarada Soomaalida ah ee ku dhibaateysan Talyaaniga ayuu sheegay inay heystaan Fursad  ay dib udhiska dalkooda uga qeyb geli karaan dib u dhiska iyo nbadeynta dalkooda hooyo .

Mar wax laga weydiiyay Maamulada dalka ka jira ee dhaliilsan Shirka Brussels , ayuu tilmaamay in dowlada Soomaaliya aysan kaligeed isku koobin balse latashi iyo xuuraansi badan ay sameysay.

Maamulada dalka ayuu sheegay in dhamaan laga qeyb galiyay isla markaana wuxuu tilmaamay in dhaqaalaha caalamku ay soomaaliya ka hesho in loo simanyahay.

Halkaan ka dhageyso Madaxweyne Xasan Maxamuuuuud

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com