Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wakaalada wararka Andalo Agency, ayaa daabacday warar sheegaya in Dowlada Ethiopia lagala goostay diyaarad nooceeda lagu sheegay Helicopter.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Difaaca Ethiopia ayaa waxaa lagu cadeeyay in diyaaradaasi laga dajiyay garoonka diyaaradaha Ciidamada Militeriga ee Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.
Dowlada Ethiopia ayaa dowlada Eritrea ku eedaysay in Iyadu ay ka dambaysay diyaarad helicopter ah oo dhawaan lagala goostay.
Sidoo kale, Qoraalka Wasaaradu waxaa lagu sheegay in diyaaradu ay ku jirtay duulimaad tababar kadib markii duuliyihii uu ku qasbay ardey baranayey duulimaadka in helicopter u jiheeyo jihada dalka Eritrea.
“Sirdoonka dowlada Eritrea ayaa ka dambeeyay afduubka helicopter-ka,” ayaa Lagu yiri qoraalka.
Wasaaradu waxay qoraalkeeda ku cambaaraysay falkaas waxayna hoosta ka xariiqday in falalka noocaas ah aysan waxba udhimaynin amaanka iyo dimuqraadiyada dalka Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

