27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Ethiopia oo loo xil-saaray xalinta xiisada Puntland iyo Somaliland (Go’aan cusub)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Dalalka beesha caalamka ayaa dawladaha gobalka Geeska Afrika ee IGAD u xilsaaray inay xaliiyaan dagaalada dhex maray maamullada Somaliland iyo Puntland, Sidaas waxa xaqiijiyay ilo xog ogaal ah.

Sida ay xogahani sheegeen wadamadan beesha caalamku waxa ay dalalka gobalka bariga Afrika  ee ku bahoobay IGAD, u xilsaareen inay u hawlgalaan sidii xaalad nabadeed loogu soo dabaali lahaa colaadda Tukaraq ee u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.

Warku wuxuu xaqiijiyay in wadamadani ay si gaar ah daminta xiisadda dagaal ee Somaliland iyo Puntland ugu xilsaareen dawladda Itoobiya oo xidhiidho dhinacyo badan la leh Somaliland iyo sidoo kale maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku dareen in laga yaabo inay Itoobiya socdaal la xidhiidha nabad raadintan iyo doonista ay Itoobiya ku doonayso inaan dagaal dambe dhicin ku tagaan masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland.

Dawladda Somaliland ayaa dhawr goor ugu baaqday dalalka beesha caalamka inay awoodooda isugu geeyaan sidii ay maamulka Puntland ugu qancin lahaayeen inuu joojiyo dagaalada.

Laakiin iyadoo ay beesha caalamku ku hawlantahay daminta dagaal mar dambe qarxa, ayaa waxa ay Puntland iyaduna ku hawlantahay abaabul dagaal, waxaanu madaxweyne-xigeenka Puntland toddobaadkan ku dhawaaqay inuu bilaabmi doono dagaal lagu lagu hoobtaa.

- Advertisement -

Read more

Local News