Arrin ka cusub xiisadda dalalka Khaliijka iyo war ka soo baxay amiirka Qatar

Doxa (Caasimada Online) – Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani  ayaa ka digay war xumo tashiil uu sheegay in Dowlada Imaaraadka Carabta ay ka faafineyso Qadar.

Sheekh Tamim, waxa uu sheegay inay jiraan warar aan munaasib aheyn oo warbaahinta ay la wadaagan Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa uuna ka digay in qiima tirka Qadar loo maro saxaafada.

Waxa uu tilmaamay Sheekh Tamim in Qadar aysan u dulqaadan doonin in lagu xadgudbo sharafkeeda, waxa uuna intaa raaciyay in Qadar ay dhowrto dowladaha kala dhexeeya calaaqada iyo kuwa siyaasad ahaanta aysan isku wanaagsaneyn.

‘’Waa arrin muqadas ah in dal waliba lagu tixgaliyo waxa uu yahay, waxaa nasiib darro ah in warar aan wanaagsaneen laga faafiyo dowladaha, waxaan ku talineynaa in laga fiirsado waxa u dhexeyn kara khilaafka iyo ku taraxyaga arrimaha hoose’’

Sheekh Tamim, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday hanjabaad dhawaan kaga imaaday dowlada Sacuudiga taa oo ku aadan in Qadar aysan soo iibsan Karin diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Waxa uu Sheekh Tamim cadeeyay in Qadar ay iibsan doonto diyaarado dagaal nooca aadka u dheereeya, isagoo sacuudiga kaga digay inuu qaado talaabo lid ku ah Qadar.

“Sacuudiga hanjabaadeeda waa mid khuseysa Qadar wixii u roon wey garaneysaa weyna iibsaneysa diyaaradaha”

Sidoo kale, Sheekh Tamim, ayaa adduunka ugu baaqay inay la socdaan hanjabaadaha iyo waxa uu ugu yeeray borobagaandada ay faaninayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Haddalka Sheekh Tamim, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhawaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka digeen in Qadar ay iibsato diyaarado dagaal oo hor leh.

Caasimada Online
Xafiiska Doxa
Caasimada@live.com