ETHIOPIA oo madaxweynaha cusub ee PUNTLAND u gudbisay digniin culus

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida ay qoreen warbaahinta Somaliland, Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Berhane Gebre-Christos, ayaa waraaq uu u diray madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamul goboleedka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Wuxuu ugu hambalyeeyey doorashadiisa, wuxuuna u sheegay in dalka Ethiopia uu si dhaw ula shaqaynaayo isaga iyo dadka reer Puntland-ba.

Sida warku sheegayo, Berhane Gebre-Christos, waxaa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay mawqifka Ethiopia ee gobolka Sool ee xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood iyo sida ay Ethiopia u aragto khilaafka gobolkaasi ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.

Waraaqda wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Berhane Gebre-Christos uu u gudbiyey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa sidoo kale ay uga digtay inuu ka fogaado isku dhac militery oo dhex mara Somaliland iyo Maamulka Puntland ee uu hoggaankiisa qabtay.

Berhane Gebre-Christos, ayaa sheegay inaanay Ethiopia raali ka noqonaynin in khilaafka labada dhinac loo adeegsado gacan ka hadal taasi oo wax weyn u dhibeysa ammaanka iyo nabadgelyada gobollada Sool iyo Sanaag Berri.

Lama garanayo in dhambaalkaasi la sheeghay inay dawladda Ethiopia u dirtay madaxweynaha cusub ee Puntland uu ka danbeeyey cabasho ay Somaliland uga gudbisay dowladda Ethiopia ,waxaase la ogyahay in khialaafaad soo noq noqday oo labada maamuul dhex maray ay dhex dhexaadin ka gashay dowladda Ethiopia.

Ethiopia, ayaa dhowaanahan noqotay xaakimka bariga Africa, ayada oo ku lug yeelatay khilaafko ay ka mid yihiin Somaliland vs Ethiopia, DF vs Jubaland iyo kan hadda ee South Sudan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com