Ethiopia oo mar kale ku guuleysatey in g/wasiirada loogu daro sirdoonkeeda !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid oo habeenimadii xaley ku dhawaaqey Golaha wasiirada oo Lixdan xubnood ka badan ayaa sida muuqata waxaa mar kale Dawlada Ethiopia u suura gashey in Golaha wasiirada lagu soo daro Rag ka tirsan Sirdoonkooda ama Basaasiinta u shaqeeya xukuumada Ehiopia.

Sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil ka tiran madaxtooyada Soomaaliya Wasiirka arimaha dibada Ethiopia Mr Tedros Adhanom Ghebreyesus oo magaalada muqdisho kaga qeyb galey shirkii wasiirada arimaha dibada IGAD ayaa si cad ugu amrey Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisal wasaare Cumar cabdirashiid in Jagooyinkooda loo daayo xubnaha ay ku dhex leeyihiin Golaha wasiirada Ssoomaaliya waxaana Ragaas ay dawlada Ethiopia u ololeysey ka mid ah.

1- Xuseen Cabdi Xalane Wasaaradda Maaliyadda.
2- Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Wasaaradda Caddaaladda.
3- Mustaf Sh. Cali Dhuxulow Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska.
4- Cabdullahi Maxamed Cali ( Sanbalooshe ) Wasaaradda Amniga
5- Maxamed Sh. Xasan Xaamud Wasaaradda Gaashaandhigga

Shantaas wasaaradood oo ka mid ah Wasaaradaha ugu muhiimsan uguna waaweyn Golaha Wasiirada Soomaaliya ayey Dawlada Ethiopia Gacanta ku dhigtey. Raga kale ee ka mid ah Jaajuusiinta Ethiopia u shaqeeya haatana ka mid ah Golaha wasiirada cusub waxaa ka mid ah.

1 – Abuukar Cabdi Cusman “Mardaad –  Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
2 – Khalid Cali Cumar – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.
3 – Burci Maxamed Xamza – Wasiiru Dawlaha XRW Arrimaha Bay’adda.

Wadaniyiinta Soomaaliyeed dhabtii markii ay arkeen Liiska golaha wasiirada la magacaabey aad bey uga niyad jabeen xaalada Soomaaliya oo awelba liidatey, waxaana si cad ugu muuqatey in dalka uu mugdi ku sii socda, oo dawlada Ethiopia ay ku guuleysatey iney sidey doonto u maamusho arimaha Soomaaliya mar hadii golahii wasiirada ee la magacaababa ay qeybta ugu muhiimsan ay qaadaneyso loona magacaabayo Rag Sirdoonkooda ka tirsan.

W/Q: Cabdullaahi Nuur Colombo