Ethiopia oo qaaday tallaabo cusub oo ay ku xoojineyso boobka badda Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Iskaashiga Xisbiyada Ethiopia ayaa mar kale ku celisay inay taageersan yihiin heshiiskii is-afgaradka dhinaca badda ee ay la galeen Somaliland.

Xisbiyada Siyaasadda ee Ethiopia oo kulan ku yeeshay Addis Ababa ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii loo hirgelin lahaa heshiiskaas, oo si weyn uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Golaha xisbiyada siyaasadda ayaa waxaa lagu sheegay in xisbiyada ay u midoobi doonaan, ayna qeyb ka qaadan doonaan sidii uu heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya iyo Somaliland uu meel mar u noqon lahaa, si Itoobiya ay u hesho bad.

“Taageerada xubnaha isbahaysiga ee goluhu waxay ahayd mid aqlabiyad ah, waxayna xisbiyada u midoobi doonaan dhaqan-gelintq is-afgaradka,” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Iskaashiga Xisbiyada Ethiopia.

Go’aanka Xisbiyada Ethiopia oo u muuqda mid ku yimid cadaadiska xukuumadda Abiy, ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka iyo bulshada Soomaaliyeed ay si adag uga horyimaadeen in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho biyaha Soomaaliya.

Heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20KM, ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Madaxda sare ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo u quus gooyay Itoobiya, una sheegay in aysan u hayn badan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaasi, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.