Ethiopia oo qaaday tallaabo lagu wiiqayo awoodda ciidan ee maamullada

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay doonayso in dhammaan ciidamada gaarka ah ee is-maamullada ay burburiso, iyada oo ku kala dareysa midkood ciidamada qaranka ee militriga, kuwa federaalka ama kuwa booliiska ee gobollada.

“Dowladdu waxay dejisay jihayn lagu dhisayo hal ciidan oo awood leh. Waxay billowday tallaabooyin wax ku ool ah oo u oggolaanaya ciidamada gaarka ah ee gobol walba in lagu kala daro ciidamada kala duwan ee amniga,” ayay dowladdu ku tiri hadal ay soo saartay.

Itoobiya waxay ka kooban tahay 10 gobol oo leh heer madax-bannaani udhexeeysa iyo inay yeeshaan ciidan gobol oo iyaga u gaar ah iyo xuquuqda adeegsiga luuqadooda.

Tallaabadan ay qaaday dowladda federaalka Ethiopia ayaa waxaa loo arka isku-day lagu dhimayo awoodda iyo madax-bannaanida maamul-goboleedyada, gaar ahaana gobollo gaar ah.

Saacado kahor inta aan lagu dhawaaqin go’aanka dowladda, warbaahinta gudaha ee gobolka Axmaarada oo ah gobolka labaad ee ugu wayn dalkaas ayaa sheegay in iska hor-imaad dhexmaray ciidamada heer qaran iyo heer deegaan.

Iska hor-imaadkaas ayaa yimid kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada ay diideen in ay hubka wareejiyaan, taasi oo qayb ka ah isku dhafka ciidamada.

Gizachew Muluneh, afhayeenka gobolka Axmaarada ayaan isla markiiba ka jawaabin codsiyada faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.

Warbixin ay soo saartay dawladdu waxay ku xaqiijisay inay xiisadi ka dhalatay gobolka Axmaarada, balse waxay ku eedaysay khaladka fahamka siyaasadda iyo kooxaha darafyada ah ee ka tirsan ciidamada gobolka.

Ciidamada Axmaarada ayaa taageeray xoogaggii federaalka ee uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo kasoo horjeeday xooggaga kacdoonka waday Waqooyiga Tigray, markii uu dagaalku ka qarxay halkaas 2020-kii.