Somaliland oo Puntland ku eedeysay ‘qorshe xuduud qabyaaladeed oo halis ah’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeysay dowlad-goboleedka Puntland in xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay uga faa’iideysaneyso sameynta waxay ugu yeertay “xuduud qabyaaladeed”.

Somaliland ayaa waxay sheegtay in damaca maamulka Puntland uu ka leeyahay dagaalka ka socda Laascaanood uu saameyn aan mahdin ku yeellan karo xasilloonida iyo deganaanshiyaha Geeska Afrika, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada.

“Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada Laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore maamulka Puntland ku eedeysay inuu qeyb ka yahay dagaalka Laascaanood, hase yeeshe maamulka ayaa iska fogeeyay eedeynta ay xukuumadda u jeedisay, iyada oo sheegtay “in dagaalka Laascaanood ay qeyb uga noqon karaan oo keliya marka ay ka dalbadaan Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood.”

Maamulka Saciid Deni ayaa qaba in dagaalka SSC ay kula jirto Somaliland inay iskaga filan tahay, una baahneyn taageero uga timaada maamulkooda, inkasta oo gudaha maamulkaasi uu ka socdo abaabul beeleed lagu taageerayo xooggaga kasoo horjeeda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay inay diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabaalo nabad-gelyo, inkasta oo dhawaan ay ku dhawaaqday in dagaal qorsheysan ay ku qaadi doonaan Laascaanood, si ay dib ugu soo celiyaan gacanta xukuumadda.

“Goluhu waxa uu iftiimiyey in ay Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaaran.”

Isku soo wada-duubo, Dagaalka Laascaanood ayaa socda in ka badan laba bil, illaa haddana majiro ifafaalo muujineysa in dhinacyada iskugu yimaadan miiska wada-hadalka si loo qaboojiyo xiisada, marka laga soo tago dhawaaqa ku kooban afka baarkiisa ee dhinac walba uu ku sheego inuu diyaar u yahay xal nabadeed.