Villa Somalia oo shaacisay qorshaha 2025 ee amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in qorsheynayso bisha koowaad ee sanadka 2025-ka ay la wareegto amniga guud ee dalka.

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in dowladda ay isku diyaarineyso inay xaqiijiso amniga guud ee dalka, iyada oo dagaalka socda kusoo afjareysa kooxda Al-Shabaab.

“Soomaaliya waxay isku diyaarineysa dhowr hadaf oo ah howlo waqti dheer soo jiray oo ah in Soomaaliya ay aragto waqti dheer kadib iyada oo Al-Shabaab ka jirin, sidoo kale ciidamada taageerada na-siinayay oo wax badan nala soo qabtay ee ATMIS sidii aan u macasalaameyn laheyn ayay Soomaaliya isku diyaarineysa,” ayuu yiri.

“Marka gulufkan iyo abaabulkan waxa uu asal u yahay sidii labadaas hadaf loo gaari lahaa; sidii Al-Shabaab looga guuleysan lahaa, ATMIS-na loo macasalaameyn lahaa. Shaqo badan ayaa ka horeysa in la gaaro hadafyadaasna.”

Xuseen Macalin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda isku diyaarineyso la-wareegida masuuliyada amniga dalka, “Inaga oo isku filan oo taageerada caalamka nasiinayo aad u yar tahay in aan dalka la wareegi karno iyada oo dhibaatooyin la kulmeynin.”

Waxaa maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore, kaasi oo diiradda lagu saaray dejinta qorshaha wajiga labaad ee howl-galka.

Masuuliyiinyta Soomaaliya iyo dalalka safka hore ayaa isla gorfeeyay sida uu noqon doono howl-galka wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, oo garab siinaya kuwa xoogga dalka, sida ay madaxdu horay ugu heshiiyeen.

Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay “inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howl-galaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya.

Ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la-dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka.