Addis Ababa (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalka Ethiopia Cali Shariif Axmed ayaa warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyey wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu.
Aqabalaadda dowladda Ethiopia ee safiirnimada Cali Shariif ayaa timid in ka badan shan bilood kadib markii xilkan loo magacaabay, ayada oo ay saameeyeen is-beddellada siyaasadeed ee Ethiopia ka dhacay.
Safiirka cusub ayaa sida aan xog ku helnay kasoo jeeda beesha Sheekhaal ee Hawiye.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, ayada oo wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia uu carabka ku adkeeyey inuu jiro damac ah in la xoojiyo xiriirka labada dalka, si loogu guuleysto himilooyinka dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Ethiopia.
Cali Shariif ayaa dhinaca kale ammaanay waxa uu gu yeeray xiriirka xooggan ee labada dal iyo rabitaankooda ah inay si wada jir ah u xoojiyaan xiriirka iyo wada-shaqeynta ay ka leeyihiin dhinacyo badan oo kale duwan.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale laga sugayaa inay buuxiso dhowr safaaradood oo ka mid ah kuwa Soomaaliya oo aan wax safiiro ah lahayn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]