Aqri: Musharixiinta Koonfur Galbeed oo ka walaacsan qorshe halis ah oo uu wado Shariif Xasan Shiikh Aadan

Baydhabo (Caasimadda Online) – Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa walaac weyn ka muujiyey qorsho uu Shariif Xasan ku doonayo inuu dib ugu dhigo Doorashada Koonfur Galbeed oo lagu ballansan yahayu 17 Bisha soo socoto.

Musharixiinta oo ku midoobay Gole loogu magac daray Isbadel doonka Koonfur Galbeed ayaa Shariif Xasan ku eedeeyey inuu wado qorsho halis gelin doono Mustaqbalka Koonfur Galbeed oo ah inuu sameysto waqti kororsi taasoo lagu sheegay inay tahay wax aysan aqbali doonin dadweynaha Koonfur Galbeed..

Haddaba Halkaan hoose ka akhriso war Saxaafadeedka

Ujeeddo: Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

  1. Golaha Isbedeldoonka ee KGS waxay walaac xoog leh ka muujinayaan dib u dhac iyo isdabamarin ku aadan qabashada doorashada taasoo keeni karta xasiloonidarro, is qabqabsi iyo kala shaki, madaama la dhaafay waqtigii la soo xuli lahaa guddiga doorashada.
  2. Dastuurka koonfur galbeed qodobkiisa 65aad faqradihiisa kala geddisanwaxay tilmaamayaan in la sameeyo guddi doorasho muddo 2 bilood ka hor inta aan waqtiga doorashada la gaarin.17ka November 2018 oo ah Mudada doorashada la cayimay waxaa ka haray wax ka yar 40cisho. Ilaa iyo hadana lama dhisin Guddi Doorasho, mana muuqato saansaan doorasho. Waxaan ka digeynaa in dhibaato ay dhacdo ama in la musuqmaasuqo doorashada. Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka in ay xil iska saaraan kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa doorasho xor ah, xalaal ah oo dhacda waqtigii loogu talo galay.
  3. Sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in guddiga doorashada oo uu soo jeedin doono Baarlamaanka Koonfur Galbeed noqdo guddi dhex dhaxaad ah oo lagatalo geliyey musharaxiinta, marka laysku waafaqana laga ansixiyo kulanka guud ee golaha Baarlamaanka KG.
  4. Si loo xaqiijiyo amniga isla markaa laga ilaaliyo doorashada musuqmaasuq, waxaan soo jeedinaynaa in goobta doorashada laga dhigo meel ka madaxbanaan maamulka KGS, sida meelaha hoos yimaada UNSOM isla markaana amaankiisa ay sugayaan AMISOM.
  5. Golaha Isbedeldoonka ee KGS waxay walaac xoog leh ka muujinayaan isku dayga siyaasadeed ee ay dowladda dhexe iyo maamulka KG ay ku beegsanayeen musharaxiintaqaar ka mid ah iyadoo loogu gol leeyahay in lagu marinhabaabiyo habraaca doorashada. Musharax kasta wuxuu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu u tartamo kursiga madaxtino eeKG haddii aanay jirin go’aan maxkamadeed oo ka reebaya.
  6. Dhammaan musharaxiina waa in ay helaan maamuus xasaanad leh, dhaqdhaqaaq madaxbanaan iyo amni sugan sida; soo gelida iyo ka bixida garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, in taageerayaasha iyo gawaaridooda loo fududeeyo soo dhoweynta iyo sagootinta musharaxiinta, sugida amniga goobaha olalaha doorashooyinka iwm.
  7. Waxaan ku boorinaynaa Ciidamada Amniga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleediyo kuwa Amisom ina ay dardargeliyaan sugida amniga guud ee magaalada iyo gaar ahaan nabadgelyada musharaxiinta.
  8. In hantida iyo agabka KGS iyo hay’adda ee hoos yimaada oo ay ka mid yihiin hay’adaha amniga, idaacadda KGS, telefeshiinka KGS aan loo isticmaalin si gaar ah oo loogu ololaynayo musharax keliya si simanna loogu adeego dhamaan musharaxiinta.
  9. In maamulka KG ee waqtigiisa dhamaaday in uu u guto masuulidda ka saran ilaantina hantidda waqtiga kala guurka kana ilaaliyo dhac iyo boob.
  10. Waxaan codsanaynaa in Wasaaradda Arrimaha GudahaDFS, Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaran, Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay la yimaadaan hab lagu xaqiijanayo inay doorasho xor ah, xalaal ah oo dimuqraadi ah ay ka dhacdo KGS.
  11. Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha kaaliya Dowlad Goboleedka KG inay si dhow oo mug leh ula socdaan habsami u socodka doorashada la filaayo inay qabsoonto 17 November 2018.

Ugu dambeyntii waxaan dhammaan xilibaanada golaha barlamaanka KG iyo shacabka ay danahooda matalaan ugu baaqaynaa inay fiiro dheer iyo feejignaan u lahaadaan arrimaha taariikhiga ah ee doorashada KG.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Xusen Xasan Cabdi

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Isbedeldoonka KGS

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@live.com