GAAS oo xilka ka qaadaya Siciid Dheere kuna eedeyn doona ARRIN xasaasi ah

Waxaa isa soo taraya warar sheegaya in Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaadka yahay ee Puntland “Cabdiweli Maxamad Cali Gaas” xil ka qaadis ku sameeynayo malamaha soo socda Taliyaha ciidamada Puntland Siciid Dheere.

Madaxweyne Gaas iyo Taliye Siciid Dheere ayaa xiriirkoodu shaqo wanaagaaneyn in muddo ah kadib markii ay isku khilafeen qaabka loo maamulay dagaal la sheegey in Puntland dib ugu qabsaneyso tuulada Tukaraq iyo degaano kale kaas oo fashil ku dhamadey.

Warar laga helayo ilo kalsoon yahay ayaa sheegey in sababta Madaxweyne Gaas xilka uga qaadayo taliyaha ay tahay inuu dusha ka saaro eeda fashilka kaga yimid Ciidamada ku sugan Tukaraq inta uusan ku dhawaaqin musharaxnimada doorashada dhaceysa 2019.

Taliye Siciid Dheere oo muddo ku soo dhexjirey hogaanka ciidamada Puntland ayaa waxaa uu yahay shaqsi aad u af -gaaban islamarkaana u hogaansan nidaamka dowladnimo ee ka jira Puntland.

” Dhowaan ayay ahayd markii guddi taakuleyn ah oo ay hurmuud u yihiin labada Wasiir ee aadka ugu dhow Madaxweyne Gaas ‘Indhaguran iyo Cabdirashiid’ ay ku eedeeyeen Siciid Dheere inuu si xun u maamuley taakuleynyta ciidanka- taasoo taliyuhu diidey.” Sidaas waxaa sheegey qof ka war-haya sida loo maamuley lacagahii taakuleynta Ciidamada ku sugan Jiida hore ee Tukaraq kuwasoo la lunsadey.

Madaxweyne Gaas oo dakhliga Dowlada amrey in loo jaro howlgalka Tukaraq mudadii sanadka ku dhoweyd ay xiisadaan taagneyd ayaa dhinaca kale lacago colaada Tukaraq kaga qaatey Dowlada Federalka inta uusan go’in xiriirku.

Wararka ayaa sheegeya in Maxaxweyne Gaas Dowlada Federaalka kaga qaatey xalinta xiisada Tukaraq ka taagan lacag ku dhow 4 milyan oo dollar halka dakhliga Dowlada uu ku bixinayey taakuleynta Ciidamada ku sugan Tukaraq.

Madaxweyne Gaas ayaa aalaaba khilaafka madaxda maamulada iyo Dowlada Federaalka xalintiisa lacag siista taasoo aan soo galin khasnada maamulka Puntland.

Dowlada Federaalka Wasaaradeeda maaliyada ayaa dhowaan maamulada waydiisatey xisaab celin la xiriirta sidii loo isticmaaley lacago la siiyey Maamul goboleedyada taasoo aysan Jawaab kasoo bixin halka dhinaca kale aan la xusin cadadka la siiyey inta uu leekaa.

Lama oga sarkalka uu xilkaan u magacaabayo balse warar ayaa sheegaya in xubnaha doonaya in loo magacaabo taliyaha ciidamada Puntland ku sugan yihiin Magaalada Garowe.

Isha: Garowe Online