Wafdi ka socda QATAR oo yimid MUQDISHO (Muxuu yahay ujeedka safarkooda)

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Garoonka ay kasoo dageen Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Qatar.

Wafdiga ayaa la sheegayaa inay ku imaaden diyaarad khaas ah waxaana Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia iyo Safaarada Qadar.

Wafdiga oo ay ku jiraan Saraakiil sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Qatar, ayaa la kulmidoona Madaxda ugu sareysa dalka, Wasiirka Gaashandhiga iyo Saraakiisha Taliska ciidamada Xoogga Somalia.

Wafdigan oo ay wehlinayaan Khubaro ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kusii nagaan doonaan ilaa Seddex maalin, waxa ayna heshiisyo kala duwan la gali doonaan Taliska.

Qorshaha imaatinka Wafdiga ayaa ah inay tababar ciidan oo gudaha iyo dibada siiyaan ciidamada Xoogga waxa ayna kaalin weyn ka qaadan doonaan kobcinta ciidamada Xoogga Somalia.

Dowlada Qadar ayaa xoojineysa xiriirka kala dhexeeya Dowlada Somalia, waxaana xusid mudan inay ka garabsiineyso dhinacyada dhaqaalaha iyo ciidanka.

Dhinaca kale, Dowlada Qadar ayaa si gaara xooga u saareysa diyaarinta Saraakiisha hogaamin laheyd ciidamadii bedeli lahaa kuwa AMISOM ee la filaayo inay ka baxaan Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Top of Form