24.8 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Khilaafka Galmudug oo weji cusub yeeshay iyo Xaaf oo laga soo eryi rabo D/M

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa mar kale soo rogaal celshay Khilaafka ka dhex taagan Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug kaa oo u muuqda mid yeeshay waji cusub.

Khilaafka oo heerkii ugu sareeyay gaaray ayaa yimid ka dib markii xildhibaanada ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ay markale shaaciyeen in ay waddaan qorshe ay xilka kaga qaadayaan Hoggaamiye Xaaf.

Mooshinka soo rogaal celiyay ee la doonaya in Xildhibaanada Galmudug ay xilka kaga qaadan Xaaf ayaa soo degdegay kadib caro ay Xildhibaanada ka qaaden Liiska Golaha Wasiiradda Galmudug oo ay iska dhex waayeen.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Xaaf ayaa horay loogu ballanqaaday inay iska dhex arki doonaan Liiska Wasiirada maamulka oo ay u harsan tahay keliya in lagu dhawaaqo.

Hoggaamiye Xaaf waxa uu ku doodayaa inuu kalsooni Buuxda ka heysto labadda mas’uul ee Dhuusamareen Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud.

Xildhibaanada Mooshinka wada oo ka tallo qaata labada shaqsi ee aan kor kusoo xusnay ayaa doomaya in qaarkood lagu soo daro Wasiirada maamulka.

Xaaf oo iminka saldhigtay magaalada Dhuusamareeb ayaa mar kale laga cabsi qabaa in laga soo eryo magaaladaasi maadaama uu ka baxay balamihii kala dhexeeyay Xildhibaanada Dhuusamareeb

Dhinaca kale, ciidamo taabacsan Ahlu sunna oo hab beeleed u abaabulan ayaa ilaa xalay dhaqdhaaq ka waday magaalada Dusmareeb, Madaxda Ahlu sunna ayaa isku dayaya in ay qaboojiyaan xaaladan siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News