Dowladda QATAR oo kiiska JAMAAL Khashoggi uga faa’iideysatay Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qatar oo colaado siyaasadeed ay kala dhexeyso Sacuudiga ayaa ololineysa kiiska lagu hayo boqortooyada ee lagu khaarijiyay Suxufiga Jamal Khashoggi.

Qatar ayaa buun-buunineysa dilka Jamal Khashoggi waxa ayna indhaha caalamka kusoo jeedisay Sacuudiha, iyadoo soo bandhigtay qaabka uu u dhacay dilka iyo cadeymo muujinkara in boqortooyada ay nafta dhaafisay Khashoggi.

Dowlada Qatar oo kaashaneysa Turkiga ayaa marba marka xigta banaanka soo dhigeysa macluumaad muujinkara in boqortooyada ay kol hore dishay Khashoggi oo maalmo lagu wareersanaa noloshiisa.

Qatar ayaa arrintaani u adeegsaneysa Telefeshinka Al-Jaziira iyo warbaahino kale oo ay maamusho kuwaa oo dhamaantooda si siman u baahinaaya warbixinada Khashoggi ee ku saleysan in kol hore la dilay.

Jihaaska Sirdoonka Qatar ayaa sidoo kale macluumaadyo ku saabsan dilka Khashoggi si toosa ula wadaagaya dowlada Turkiga, kuwaa oo laga helay illo Sirdoon ka tirsan Boqortooyada oo si dhow ula shaqeeya Qatar.

Jihaaska Qatar oo horay usii hayay macluumaadka shirqoolka lagu khaarijiyay Jamal Khashoggi ayaa Turkiga la wadaagay muuqaalo qarsoodi ah iyo codad xili hore laga duubay Khashoggi kuwaa oo dhamaantooda shakiga ka saaraya in Suxufiga ay arrintiisu sahlaneyd.

Turkiga oo xiriirka kala dhexeeya Sacuudiga uusan wanaagsaneyn ayaa qudhiisa qaba dareen ku aadan in Qunsuliyada Boqortooyada horay loogu dhex geystay falal ceynkaasi ah waxaana xusid mudan inay jiran shaqsiyaad sidaa oo kale lagu tuhmayo Qunsuliyada.

Si kastaba ha ahaatee, ficilka Boqortooyada ee la xiriira Jamaal Khashoggi ayaa mugdi galinkara xiriirkii yaraa ee Turkiga kala dhexeeyay Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com