Fashil ku yimid heshiis dhex mari lahaa Ethiopia & ONLF

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada maamulka Jigjiga ee DDS ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku imaaday shir la qorsheynaayay in Heshiis ay ku kala saxiixdan jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia.

Shirka dib u dhaca ku yimid ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in lagu kala saxiixdo Heshiis kama danbeyn ah oo dhexmara labada dhan, waxaana lasoo sheegayaa in dib u dhaca uu yahay mid ka imaaday dhanka dowlada Ethiopia.

Shirka ayaa qorshuhu ahaa inuu ka qabsoomo magaalada Asmara ee dalka Eritrea, iyadoona ay ka qeyb gali lahaayeen Xubnaha Jabhadda, Mas’uuliyiin ka socta Dowlada Ethiopia iyo Madaxweynaha DDS.

Madaxweynaha DDS Mr.Mustafa Cagjar ayaa dib ugu laabtay magaalada Jigjiga kadib markii uu shirka ka furmi lahaa Asmara dib u dhac ku yimid, waxaana wehlinaayay qaar kamid ahaa labadiisa Gole.

Waxaan la ogeyn ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dib u dhaca shirka balse waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Jabhadaha qaar ay dowladda Ethiopia ka diideen in ay hubka dhigaan taasina ay dib u dhac ku keentay Heshiiska ONLF.

Si kastaba ha ahaatee, Jabhada ONLF ayaa aad u daneyneysa in lasoo afmeero Heshiiska ay la galeyso Ethiopia,si ay ugu furmaan albaabada Siyaasada ee iminka ka xiran.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com