Dooloow (Caasimada online) Wararka laga helayo degmada Doolow ee gobolkaGedo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay xabsi dhigeen Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Gedo ayaa C/rashiid Janan, waxay ku eedeeyeen inuu isagu ka dambeeyay dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada B/xaawo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Muddo Saacado kooban ah Xabsiga la dhigay Gudoomiyaha Doolooe, iyadoona Mudadii uu Xabsiga ku jirayna waxlaga weydiiyay waxa uu ka ogyahay Dagaalkii Dhowaan Balad-Xaawo ka dhacay.
Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay in Saaco ka dib Ciidamada Ethiopia ay soo daayeen Gudoomiye C/rashiid Janan,
Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee Xiray Gudoomiyaha ayaa waxay Gudoomiyaha ugu hanjabeen Sida la sheegay in hadii mar kale ay uga shakiyaan inuu abaabulayo dagaal ka dhan ak B/xaawo ay Xabsi aan kasoo noqosho laheyn u diri doonaan .
Sidoo kale waxay ku amreen inuu ka qeyb qaato Raadinta Nabad iyo Xasilooni ka dhalata Degmada B/Xaawo ee gobolka Gedo, iyo sidoo lagu heshii shiin lahaa Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Ahlu sunna ee Dhowaan degmadaasi isku qabtay.
Arintan wali kama aysan hadlin Saraakiisha Ciidamada dowlada Somalia ee Maamulkaas, hayeeshe wali Waxaa taagaan Xiisadii dhowaan ka dhalatay Degmada B/Xaawo ee Gobolka Gedo.
Caasimada online
Xafiiska Dooloow